Toggaherer’s Weblog

KULMIYE OO DACWAD U GUDBIYEY X/ILAALINTA OO KU SAABSAN NINKII XABADA KA RIDAY ISU SOO BAXII KULMIYE

Posted on: April 19, 2009

KULMIYE OO DACWAD U GUDBIYEY X/ILAALINTA OO KU SAABSAN NINKII XABADA KA RIDAY ISU SOO BAXII KULMIYE

Warsaxaafadeed uu ku saxeesan yahay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Siilaanyo oo uu dacwad ka dhan ah nin la yidhaa MAXAMAD XUSEEN KHALIIF uu u gudbiyey Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka JSl Ayaa isagoo Dhamaystirnaa u Qornaa sedan:-

Waxaanu la socodsiinaynaa Xeer Ilaalinta Guud in ninka la yidhaahdo Maxamed Xuseen Khaliif uu rasaas ku riday madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye oo isu soo bax salmiya ka samaynayey xafiiskooda hortiisa taariikhda 13 April 2009.

Ninkaasi oo horseed ka ahaa shirqool lagu damacsanaa in lagu dilo qaar kamida masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye waxaa gacanta ku dhigay ciidamda booliska ee goobta ku sugnaa waxaana loo gudbiyey Xarunta Danbibaadhista ee C.I.D. ee Hargeysa, iyadoo aanu filaynay in baadhis lagu sameeyo dhacdadaasi iyo ciddii ka danbeysay shirqoolkani.

Waxaanu muddo yar kadib ogaanay in la sii daayey eedaysanahaasi, iyadoon dembigaas aan la baadhin oo wax la nala weydiiyey aanu jirin iyo iyadoo la hayo markhaatiyaashii goobjooga ahaa.

Xeer-ilaaliyaha Guud waxaa kaloo aanu la socodsiinaynaa, inuu falkani ahaa mid abaabulan oo lasoo qorsheeyey marka laga eego qaabka uu u dhacay iyo sida fudud ee loo sii daayey eedaysanaha.

Hadaba waxaanu ka codsanaynaa Xeerilaalinta:-

1. In marka hore lasoo qabto eedaysanaha

2. In loo saaro guddi madax bannaan oo heer qarana oo baadhitaan ku samaysa falkani.

WA BILLAAHI TAWFIIQ,

AXMAD MAXAMD SIILAAYO

GUDDOOMIYAHA XISBIGA

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: