Toggaherer’s Weblog

DHALINYARO SOMALI AH OO TAHRIIBAYA OO LAGU QABQABTAY XUDUUDKA U DHAXEEYA ITOBIYA & SUDAN

Posted on: April 19, 2009

DHALINYARO SOMALI AH OO TAHRIIBAYA OO LAGU QABQABTAY XUDUUDKA U DHAXEEYA ITOBIYA & SUDAN

Adiss Ababa 19 April 2009 THN
Dhalinyaro Soomaali Tahriib ah oo lagu Qabtay Xadka Ethiopia- Sudan
Dhalinyaraddan oo tiradooda lagu sheegay in ay gaadhayaan ilaa 50 ruux somali ah oo u badan Rag ayaa lagoo soo qaqabatay xadka u dhaxeeya Ethiopia iyo sudan kuwaas oo doonaayay in ay si tahriib ah uga sii gudbaan dalalka Liibiya iyo talyaaniga oo mudooyinkii ugu danbeeyay ay Soomalida aad ugu socdeen.

Dhalinyaradan somalida ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay boliska dalka Sudan waxayna in mudaa ku xidhnayeeen xabsi kuyaala dalka Sudan dowlada Sudan ayaa maxaabiistaan waxa ay kusoo wareejisay dowlada Itoobiya waxana mar labaad lagu xidhay xabsi kuyaala Caasimada Ethiopia ee Adis Ababa.
Iyada oo maxkamda la saaray ay ku xukuntay in midkiiba bixiyo lacag u dhaxaysa 3500- 5000 Birr oo ganaax ah kii aan bixina uu ku jiro xabsiga ilaa uu bixiyo .

Iyada oo ay Jirtay dad badan oo Somali ah oo horey ugu jiray xabsiyada ku yaala Adis Ababa tiradoodana lagu qiyaaso inay gaadhayaan boqolaal ku waasi oo intabadan laga soo qaqabtay xadka Ethiopia iyo Sudan inkastoo wararka qaar ay sheegayan in ay liidato qaar kamida xaaladooda Caafimaad iyadda oo Jidh dil ay ka soo gaadheen Ciidamad Sudan iyo Kuwa Ethiopia.

Dhalinyaraddan Maxaabista ah somalida ah ayaa lagu wadaa in laga siidaayo xabsiga inta bixisa ganaaxaa maxkamada iskana bixisa lacagta Baska qaadaya ilaa Wajaale, iyada oo horaantii iska bixisay Ganaaxa iyo Noolka baaburta Ilaa wajaale ay shalay gaadheen Magaalo xadeedka Wajaale.

Mudooyinkii Ugu dambeeyay waxaas oo kordhayey Dhalinyaradda Soomalida ee Tahriibka ugu baxaya Liibiya kuwaas oo kuwa badan oo ka mid ah ay la kulmaan Dhimasho iyo Nolol Xumo.

Xuseen Duraan
Adiss Ababa
TogaHerer

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: