Toggaherer’s Weblog

BOOQASHADA MARKUS HOHNE EE NUGAAL UNIVERSITY ISAGA OO LECTURE KA JEEDIYEY

Posted on: April 19, 2009

BOOQASHADA MARKUS HOHNE EE NUGAAL UNIVERSITY ISAGA OO LECTURE KA JEEDIYEY

Booqashadii Markus Hohne ee Nugaal University ee Laascaanood isagoo Lecturers-na ka jeediyay.

Waxaa booqasho ku yimi Jaamacada Nugaaal University ee magaalada Laascaanood Markus Hohne oo ah nin Jarmal oo socdaalo horay ugu yimi magaalada laascaanood ee Gobolka Sool iyo guud ahaan Somaliland isagoo socdaaladiisaasi ay ahaayeen kuwo uu ku baadhayo dhaqamada Soomaalida iyo sida ay yihiin.

Markus oo hadda wax ka barta Jaamacad ku taala Dalka Germany ayaa waxa uu si gaar ah u doortay Social anthropology (cilmiga Bulshada iyo dhaqamada) gaar ahaan isagoo si gaar ah usii doortay dhaqamada Soomaalida ayaa waxa uu invites ka helay jaamacada Nugaal University iyo waliba qurba joogta SSB ee taageerta Jaamacada.

Intii uu joogay magaalada Laascaanood waxa uu la kulmay masuuliyiinta Jaamacda Nugaal University,macalimiinta Jaamacada,Ardayda iyo waliba qaybaha kala duwan ee Bulshada iyagoo dhamaanba dadkaasi ay ka wada hadleen sidii hormar looga samayn lahaa dhanka waxbarashada isagoo sidoo kalena Jaamacda ka jeediyay labo Lecturers oo ku kala ah Dhaqanka Soomaalida iyo waxyaabihii uu ka qoray iyo ka labaad oo ah iyo sida loo diyaariyo cilmi baadhsita iyo sida loo soo bandhigo (research).

Faa’iidooyinkii Markus ee Jaamacda Nugaal University:-

1. inuu Jaamcada Nugaal University Partner la noqdo.
2. inuu shir jaamacadeed ka dhacaya Germany uu ka jeediyo war bixin ku saabsan Jaamacda.
3. sidoo kale waxuu Jaamacda Nugaal University gudoonsiiyay Buugaag,maqaaalo 100 buug kor u dhaafaya oo ka hadlaya Soomaalida iyo dhaqankeeda.

Kuliyadaha Jaaamacad Nugaal University:-

* Faculty of social Science
* Faculty of natural Science
* Faculty of humanity
* Foundation year
* Kuwaas oo usii kala baxa Faculties aan halkan lagu soo koobi karin

Hadaba Jaamacada Nugaal University ayaa waxaa ka qalin jabinaya July rufcadii u horaysay ee ardayda wax ka barata Jaamacada Nugaal University oo 23 arday iyadoo Gudoomiye kuxigeenka Jaamacada Nugaal C/naasir Maxamed Barre (abu shaybe) uu sidoo kale xusay in Jaamacadu ay xidhiidh is dhexgal la samaysay Jaamacdaha qaar sida GTEC hadana ay xidhiidh u socdo Jaamacada Camuud iyo East Africa.

Ahmed Abdulahi Binow
Isuduwaha wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland ee Gobolk Sool.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: