Toggaherer’s Weblog

40 XILDHIBAAN OO SHARCI DARO KU TILMAAMAY GUDDI HOOSAADYADII UU MAGACAABAY SALEBAN GAAL

Posted on: April 19, 2009

40 XILDHIBAAN OO SHARCI DARO KU TILMAAMAY GUDDI HOOSAADYADII UU MAGACAABAY SALEBAN GAAL
HARGEYSA 18 APRIL 2009 THN
40 Mudane oo ka tirsan Golaha Guurtida JSL ayaa Magacaabis sharci darro ku tilmaamay Guddi-hoosaadyadda golaha guurtida ee uu Dhawaan Gudoomiyaha Golahaasi Magacaabay waxaanay u cuskadeen sidan:- Qodobada Dastuurka JSL ee kala ah: Qodobka 57aad, 60aad, 61aad, iyo 64aad;
Waxa kale oo ay u cuskadeen is hortaaga ay ku diidan yihiin Magacaabista uu Gudoomiyuhu magacaabay ama isku shaandhayntiisa xeer hoosaadka Golaha oo ay ku sheegeen sedan:-
Markaan Aragnay; Xeer hoosaadka Golaha Guurtida JSL Qodobkiisa 4aad oo ah,
awoodaha Shir-gudoonka, xarafkiisa (D) oo u dhigan sidan:

(D) “in ay soo xullaan Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida JSL, Goluhuna Ansixiyo”

Markaan Aragnay: Xeer-hoosaadka Golaha Guurtid Qodobkiisa 7aad, Xarafyada X,KH,IYO D, oo u kala dhigan sedan:

(X) Guddiga joogtada iyo Guddi hoosaadyada Golaha Guurtida JSL, mudada xilkoodu waxa uu ku xidhnaan doonaa wax-qabashadooda, iyada oo shir-guddoonku wax ka beddeli karaan xubnaha Gudiyadaas, haddii ay u arkaan in aanayxilkooda guddan, iyagoo tixgalinaya war-bixinta madaxda Guddiyadaasi.

(KH) Xubnaha Guddiyadaasi, xilka xulistooda waxa iska leh Shir-Guddoonka, iyaga oo tixgalinaya aqoontooda cilmiyeed & waayo aragnimada ay xubintu u leedahay hawsha loo xilsaaray.

(D) Shir-Guddoonka ayaa qoraal faah-faahsan ku soo saaraya waajibaadka shaqo ee Guddi-hoosaadyadda Golaha.

Shir jaraa’id oo ay Maanta ku qabteen Xildhibaanadani Hotel-ka Crown ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay waxba kama jiraan ku tilmaameen gudiyadaasi uu magacaabay gudoomiyaha guurtidu, taasoo ay sheegeen inaanay waafaqsanayn xeer hoosaadka golaha, isla markaana guddida joogtada ah ee uu gudoomiyuhu magacaabay aanay golaha ku Matali Karin Qawl iyo ficil midna maadaama oo jiritaankoodu xeer hoosaadka golaha ka hor imanayo. Waxaanay Xildhibaanadani shirkooda jaraa’id gudoomiyaha guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aaden ugu baaqeen inuu u hogaansamo xeer hoosaadka golaha, Haddii kale aanu gudoomiye noqon doonin. Iyagoo arrintaa sii faahfaahinayana waxay yidhaahdeen

si loo guto waajibaadka Dastuuriga ah ee Goluhu u xilsaaran yahay, waxa Goluhu shaqadiisa u fulinayaa si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha, wixii aan waafaqsanayna waa waxba kama jiraan.

Sidaasi darteed anagoo ka duulayna Qoddobada iyo Xeer-hoosaadka Golaha ee sare ku xusan, waxaan halkan ku cadaynaynaa in Guddoomiyuhu kaligii magacaabay Guddiga joogtada iyo Guddi-hoosaadyada oo dhan isaga oo aan kala tashan Shir-Guddoonka intiisa kale, Golahana aan laga ansixin, dhamaana baal maray Qoddobada iyo Xeer-hoosaadyada sare ku xusan.

Sidaasi darteed, waxay mudanayaasha hoos ku qorani u cadaynayaan Guddoomiyha iyo dhamaan xubnaha kale ee Golaha in :-

Uu waxaba kama jiraan yahay Guddiyada uu magacaabay Guddoomiyuhu, maadaama aanay sifaha uu u magacaabay waafaqsanayn Xeer-hoosaadka Golaha.

In Guddiga joogtadda ee Guddoomiyuhu magacaabay aanay Golaha ku meteli Karin qawl iyo ficil midnaba, maadaama aanay jiritaankoodu Xeer-hoosaadka Golaha waafaqsanayn.

Guddoomiyuhu waa inuu u hoggaansamaa Xeer-hoosaadka Golaha ee Dastuurku jideeyey sida ku cad Qoddobka 64aad, ahna kan uu Guddoomiyaha ku yahay.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: