Toggaherer’s Weblog

WAR DEG DEG AH;BAARLAMAANKA SOMALIYA OO ANSIXYEY KU DHAQANKA SHAREECADA ISLAAMKA .

Posted on: April 18, 2009

WAR DEG DEG AH;BAARLAMAANKA SOMALIYA OO ANSIXYEY KU DHAQANKA SHAREECADA ISLAAMKA .

Mogadisho 18 April THN
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa daqiiqado ka hor ansixiyay ku dhaqanka shareecada islaamka, kadib dood uu ka yeeshay qodobkaas oo horay ay u ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Kulan maanta Mudanayaasha Baarlamaanka isku dhafka ah ku yeesheen Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xaruntooda Gaadiidka Booliska, waxay isku raaceen in dalka lagu dhaqo Shareecada islaamka, kaasoo sida la rumeysan yahay wax ka taraya xaalada Soomaaliya.

Wariyeyaasha ka qeyb galay kulanka baarlamaanka ayaa soo sheegaya in 319 Mudane oo soo xaadiray Kulanka ay dhamaantood isku raaceen in dalka lagu xukumo shareecada islaamka.

Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqore ayaa shir gudoominaya kulanka, iyadoona uu hareeraha ka fadhiyo Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Wasiirka Kaluumeysiga Prof. Ibbi.

Kulanka Mudanayaasha Baarlamaanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay Qaar ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyed oo horay Baarlamaanka ku tar tarsiinayay in Baarlamaanka uu meel mariyo shareecada islaamka.

Sidoo kale kulanka waxaa muuqanaya Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Taliyeyaasha Ciidamada Xooga dalka, Booliska, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo kuwa kale.

Kulanka oo ah mid wali soconaya ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha Maxkamadaha, gaar ahaan Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow

Wixii warar iyo qudbooyinka iyo sawirada kulanka kala soco wararkeena dambe

Axmed Kulan Jookar
Magdisho ToggaHerer

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: