Toggaherer’s Weblog

SHARIIFKA OO LA KULAY MADAXWEYNAHA TURKIGA CABDALLA GUL

Posted on: April 18, 2009

SHARIIFKA OO LA KULAY MADAXWEYNAHA TURKIGA CABDALLA GUL

Madaxweynaha dalka Turkiga Cabdalla Guul waxa uu maalintii shalay ahayd sheegay in dalkiisu uu Soomaaliya ka taageeri doono dhinaca dhismaha iyo tababarida ciidamada ammaanka.

Gargaarkaasi waxaynu u fidineynaa ayuu yiri madaxweyne Guul 5 sano ka dib oo oo dalka ay ka taagneyd qalalaase siyaasadeed iyo dagaalo dhiig badan ku daatay.

Madaxweynaha Turkiga waxa uu balanqaadkan sameeyay ka dib markii uu kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo booqasho ku jooga dalka Turkiga.

Waxa uu sheegay in xukuumada Ankara ay gacan ka geysan doonto sidii loo horumarin lahaa adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo isagana hadlay waxauu sheegay in dalkiisu uu bilihii dhowaa sameeyay horusocod iyo horumar isagoona beesha caalamka ugu baaqay inay taageeraan dadaalada dib u dhiska ee dalka ka socda.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay inaysan marnaba oggolaan doonin xasilooni darro inay mar kale ka taagnaato Soomaaliya, isagoona muujiyay sida uu uga xun yahay falalka burcadbadeeda ee xeebaha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay burcadbadeeda inay abuurtay walaac caalami ah oo sababay in caalamku oo Turki ay jirto maraakiib dagaal u soo diraan si ay burcadbadeeda uga ilaaliyaan maraakiibta ganacsi ee halkaasi ku goosheysa.

Kulan caalami ah ayaa waxaa uu todobaadkan ka dhici doonaa magaalada Brussels kaasoo ay si wadajir ah u soo abaabuleen Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Kulankaasi waxaa lacago loogu ururin doonaa dalka Soomaaliya

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: