Toggaherer’s Weblog

GUDOOMIYAHA KULMIYE MUXUU KA YIDHI ISKU DAYADA DHEX-DHEXAADEED EE MURANKA OOGAN?

Posted on: April 18, 2009

GUDOOMIYAHA KULMIYE MUXUU KA YIDHI ISKU DAYADA DHEX-DHEXAADEED EE MURANKA OOGAN?

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inay jiraan dhinacyo badan oo isu xil-qaamay inay ka odayeeyaan muranka siyaasadeed ee haatan Somaliland ka aloosan. Islamarkaana waxa uu xusay in dhamaan dhinacyadaas xal-doonka ah ay xisbi ahaan soo dhaweeyeen,

Gudoomiyaha KULMIYE Axmed Siilaanyo oo xalay wargeyska Ogaal khadka Telefoonka wax kaga weydiiyey, waxa uu kala socdo iyo halka ay marayaan kulamo maalmihii aynu soo dhaafney dhex-maray Xubno Wasiiro ah iyo Xildhibaano ka soo baxay Kulmiye oo isku hawlaya inay toos isugu keenaan hogaanka labada xisbi ee KULMIYE IYO UDUB oo muranka ugu weyni u dhexeeyo, waxa uu yidhi Axmed Siilaanyo. “Qolladaas oo qudha uun maahee, qolooyin aad u fara badan oo Salaadiin leh oo qoladii UDHIS ku jirto, guddigan la socodka hawlaha doorashooyinka iyo dad kale oo fara badan ayaa noo yimi ileyn waxani waa dan khusaysa dalka oo dhan’e, dad badan oo muwaadiniin ah dhinac kasta ha ahaadeene ayaa dabcan jecleystay inay arrimahan wax ka dhex-galaan, ka gar-naqaan oo ay wax qaboojaan, kuligoodna waan ku bogaadinayaa dedaalka ay galeen.”

Gudoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee KULMIYE waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “Sida qaarkood ku dhawaaqeen oo UDHIS oo kale aad maqasheen, horta anagu cid walba waanu ogolahay ayaanu nidhi, meel aanu ku diidney cid xeer beegti ah-na la soo heli maayo. Markaa, kuwaas ayey ka mid yihiin oo anagu ciddii wanaaga daneynaysa iyo cidii is faham keeneysa intaba anagu waanu u hogaansameynaa oo diyaar ayaanu u nahay. Laakiin, ilaa hadda cidihii na dhex-galay oo dhan weydinkii wadda maqlayey oo dhinaca ay ka socon weyday waa dhinaca Rayaale…”

Gudoomiyaha KULMIYE waxa la sii weydiiyey, waxa ay xildhibaanadaa KULMIYE ee kulanka ka qaybgalay kulla soo noqdeen iyo guud ahaan kulamadaas Wasiirada iyo Mudanayaasha waxa ka soo baxay waxana uu ku jawaabey. “Ilaa hada wax rasmi ah oo xagiisa (Rayaale) nagaga yimi ma jirto, qolooyinkaas iyo qolooyin kalaba waa ku jiraan, waxaaney I yidhaahdeen qolooyinkaasi hawshaas haddaanu galo ma wax baad ka qabtaa waxaan ku I dhi maya.”

Gudoomiye Siilaanyo waxa uu sheegay inuu ogaa xidhiidhka dhex-maray labadan qolo. “Inay wadda xidhiidheen waan la socdey oo way ii sheegeen, laakiin qolooyinkaasi waxay halkaa ka hayaan annigu warkooda rasmiga ah ma hayo…waxaan ku idhi waxay ii sheegeen uun inay hawshaas ku jiraan,” ayuu yidhi Guddoomiye Axmed-siilaanyo.
OGAAL

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: