Toggaherer’s Weblog

“SUL MAXAMED SUL ABDIQADIR OO JAWAABO KA BIXIYEY XUBNO QOONSADAY HADALKIISII

Posted on: April 17, 2009

“SUL MAXAMED SUL ABDIQADIR OO JAWAABO KA BIXIYEY XUBNO QOONSADAY HADALKIISII

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi Qaadir Suldaan Cabdilaahi ayaa maanta ka hadalay hadal uu dhawaan Maxamed Xaashi uu siiyey saxaafada iyo waliba war saxaafadeed ay qabteen xubnihii beeshiisa ka soo jeeday ee qadacay hadaladii uu dhawaan suldaanku siiyey saxaafada taas oo ay sheegeen in aanay la qabin hadalka uu suldaanku soo jeediyey .

Suldaan Maxamed Sul Cabdi Qaadir waxa uu sidaa ka sheegay shir jaraid oo uuu maanta ku qabtay magaaalada Hargaysa Suldaanku waxa uu sheegay in hadal uu dhawaan siiyey warbaahinta oo ku saabsanaa in cidi Somaliland ka hor timaadaa ay xukuumada ka hor imanayaa, waxa uu suldaanku sheega in si qaldan loo tarjumay hadalkiisaasi oo si xun wax u sheegi ka daran yahay sixirka , waxa kale oo uu sheegay in isagu uu suldaan u yahay dhamaan umada Somaliland meekasta oo ay ku noo shahay umadana ay tahay umad wada dhalatay oo walaalo ah sinabana aan dhibaato loogu gaysan karin af iyo adinba.
Mar uu ka hadlaayey Suldanka hadal uu siiyey warbaahinta waxa uu sheegay in isagu aan xisbi soo qaadan islamarkaana aanuu shakhsiyaad ama cid gaar ah aanuu soo qaadin bal se uu ka hadlay arin guud taasoo ahayd cidii somaliland ka hor timaada waanu ka hor imanaynaa .

Suldan maxamed Suldaan Cabdi Qadir Sul Cabdilaahi oo u jawaabayey xubno ka mid ah mucaaradka oo dhawaan ka hadalayey isu soo baxii dhawaan uu kulmiye ku sameeyey magaalada Hargaya ayaa waxa uu sheegay arimo dhawr ah waxaanuu yidhi taas oo uu kaga hadlayey hadaladii ay salaadiintu ka jeedisay meeshaas

“Horta dadku haddii wax aanad u jeedin ay iska fasirtaan oo ay dhakada isku saaraan, cidda ku dhib qabtaa waa ciddii arrintaas ka hadashay.rag badan oo TV-yada ka hadlay nin walba hadalkiisii waan ugu mahad naqayaa ama ha wanaagsanaado ama ha xumaado waayo aqoon baa siisay inuu kamaradaha TV-yada soo hor fadhiisto wuxuu doono iskaga hadlo dadkani waa ummad wada dhalatay wax walba waa la is odhanayaa. Anigu laakiin waxyaabo khatar ah ayaa ka soo muuqda jawaabihii iyo hadaladii hadalkaygii hore laga celiyay.”
“Anigu xisbi ma soo hadal qaadin shakhsiyaadna ma aan soo hadal qaadin, arrin guud uun baan ka hadlay oo wixii Somaliland ka hor yimaada waanu iska celinaynaa. Xisbi yidhaahda anigaa la ii jeedayna ha ii caddeeyo dee waxaan ugu jeeday ha ii caddeeyo anigu garan maayo xisbi aan soo qaaday oo aan idhi xisbi hebel, ayaa rabshado iyo wadanka dagaal ka wada,”
“Eng Maxamed Xaashi Cilmi waa nin aqoon yahan ah oo dhawr marxaladood xil ka soo qabtay Somaliland, waana dadka ugu aqoonta badan dalka, isaga eray yar oo kaliya ayuun baan odhanayaa shakhsinimo inaan kuu abaaro ma aan jeclayn ee adigaa faraha nala soo galay, Salaadiintii hore ee aad ammaanta ka bixisay waad ku mahadsan tahay oo ummada salaadiin uun bay u ahaayeen. Anaguna itaalkayaga meel kasta ha nala gaadhee iyagii uun baanu metalaa wax shaadaliyana cid kama qaadano. Laakiin adigaaga xisaabta, qalinka iyo warqada la dabo taagan dhaqaalaha Somaliland ayaa shaadali uga baahan baan u malaynayaa. Waayo ninka aqoonyahanka ahi waxa looga baahan yahay inuu dalka wax ku soo kordhiyo waxaan leeyahay xisbiga aad ku jirto ma aan soo hadal qaadin saddexda xisbina aniga way ii siman yihiin, kii ummada khayr u hayana ee ummadiisa horumar gaadhsiinaya ee doorashada ku guulaysta uun baa noo xisbi xukuumi ah oo inaanu la shaqaynaa waajib tahay. Barrito haddii Kulmiye ku soo baxo waajibay nagu tahay inaan la shaqeyno, laakiin nala odhan maayo xisbigana way ridayeen kana way dhisayeen calaamad salaadiinta u taala taasi ma aha.”

“Dhakhaatiirta reer Somaliland ee xisbiga ku jirta, waxa marka horeba ka mamnuuc ah inuu nin dhakhtar ahi uu siyaasada galo. Qaliinada iyo hawl galka caafimaad ee uu galayo iyo fikirka siyaasiga ah ee ka maskaxdiisa ka guuxaya uma fiicna. Waxaanan leeyahay dadka reer Somaliland dhakhtarkan xisbiga galay ha isku dhiibina.”

Ugu dambayntii Suldaan Maxamed Sul Cabdi Qadir waxa uu u soo jeediyey gudlaha sharci dajinta Somaaliland ee Wakiilada in ay dhamaytiraan sharciyada dalka kaas oo uu suldaanku ku timaamay in ay yihiin qabyo

Maxamed Muse
Togaherer Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: