Toggaherer’s Weblog

SIYASIYIN KA TIRSAN XIBIGA KULMIYE DHALSHO AHAAN KA SOO JEEDA BELAHA CIDAGLE OO U JAWABY SUL MAXAMED

Posted on: April 16, 2009

SIYASIYIN KA TIRSAN XIBIGA KULMIYE DHALSHO AHAAN KA SOO JEEDA BELAHA CIDAGLE OO U JAWABY SUL MAXAMED


Shoodhe Bidhaan

Hargeysa 15 April 2009 THN
Aqoonyahano iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE kana soo jeeda beelaha Ciidagale ee gobolka Hargeysa ayaa si kulul u cambaareeyay isla markaana xaal ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay salaadiin iyo waxgaradka beeshooda oo sheegay inay ka aargudanayaan beeshii ka hortimaada Dastuurka Iyo Xeerka Somaliland, kuwaaso ay tilmaameen in ay hadaladaa ay yidhahadeen Suldaan Maxamed Suldaan C/qadir Suldaan C/llahi iyo Xaaji CabdiKariim Xuseen Yusuf (Cabdi Waraabe) oo ay ku tilmaameen in ay beeshood ku gafeen iyo beelaha reer Somaliland ee wada daga magaalada Hargeysa.
xubnaha arrintaa jawaabta ka bixiyay oo kala ah; Maxamed Muuse Abees, Dr. Xusseen Muxumed Maxamed (Xusseen-Xoog), Dr. Ismaaciil Cali Jaamac, Dr. Axmed Maxamuud Cago-weyne, Cabdillaahi Ismaaciil (Shoodhe Bidhaan)

sidaana waxay xubnahaasi ka sheegeen shir- jaraa’id oo ay ku qabteen Huteelka Dalxiis ee magaalada Hargeysa.
Wasiirul dawlihii hore ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Md C/Laahi Ismaaciil (Shoodhe Bidhaan) oo shirkaasi ka hadlay ayaa aad u dhaliilay una cambaareeyay hadalo uu sheegay inay ka soo yeedheen Salaadiinta beeshiisa iyo Xaaji Cabdi Xuseen Cabdi Waraabe, waxaanu yidhi “Waxaanu ka hadlaynaa hadalo badan oo rag beeshayada ka mid ah oo dadka ka soo gaadhay oo aanu qaadan weynay, muddo badan ayaa salaadiintayada iyo odayaasha beeshayada ee Ciidagalle wanaagsanaan jireen, oo Salaadiintayada Somaliland iyo dadkuba ay u tagi jireen. Illaahay noogu wadi maayo oo dadkayaga kale ayuu noo geline’.

Salaadiintayada iyo Odayaashayadu tiriibkan way silan yihiin Meel aan marinkooda ahayn ayay mareen wax aan marinkooda ahayna way ku hadleen dhawr nin oo Suldaamo sheeganaya iyo Xaaji Cabdi Waraabe oo noogu weynaa wax aan daw ahayn ayay yidhaahdeen.

Xaaji Cabdi Waraabe Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir ayuu ku yidhi may ahayn inaad sidaas u hadasho haddana hadalkiisii wuxuu noqday uun maad iiga joogtid aan idhaahdo dadka waanu dilaynaa oo waanu ka aargoosanaynaa.”
“Anagu haddii aanu Beesha Ciidagalle nahay cid aanu ciil u qabno oo aanu ka aargoosanaynaa ma jirto, waa la is dilay dagaalkii sokeeye waxaanan is leeyahay tolow idinka daalac ma la idiin raaci. Waxaan sidaas u leeyahay Anagu dhimashadana waanu naqaanaa heshiiskana waanu naqaanaa, laakiin waxaanu is leenahay dad aan dhimashada aqoon baa ku jiray dadkaanu isdilayoo tollow mid midkii ka dhintay may ka samri, illayn anagu haddii wax badani naga dhintaana waanu ka samraysaane,”Ayuu intaasi raaciyay C/Laahi Ismaaciil [Shoodhe Bidhaan].
Wasiirul dawlahii hore wasaarada waxbarashadu wuxuu sheegay inay xaal ka bixinayaan hadalo uu ku sifeeyay deel qaaf oo ka yimid Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir iyo Md Xaaji CabdiKariim Xuseen Yuusuf [Cabdi waraabe] oo ka tirsan Aqalka odayaasha ee Somaliland.
C/laahi Ismaaciil, wuxuu sheegay in salaadiintiisa ay ku shaqaysteen Wasiiro beel kale oo ay walaalo yihiin, waxaanu yidhi “Salaadiintayada iyo odayaashii beeshayada ee hadlayay reerkayaga gudihiisa lagama soo dirin,reer markii horeba nagu shaqaystay oo aanu is xigno ayaa Wasiiradoodii ku shaqaysteen maantana, Aniga iyo Xaaji Cabdi waraabe maryo alool ayaanu ahayn oo dawlada ayaanu la soconay waxaanu diidanayn oo way nala xumayd in reerkayaga lagu shaqeysto. Imikana niman Wasiiro ah oo aan ahayn kuwayaga ayaa ku shaqaystay.”
Wasiirul dawlihii hore wuxuu Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay inuu doonayo inuu dalka ku soo rogo nidaam xukun deg-deg ah, waxaanu yidhi: “Ninkaas odayga ahi [Madaxweyne Rayaale] malaa xukun deg-deg ah ayuu doonayaa inuu dalka ku soo rogo, oo marna askartiisa ayuu baastoolad u soo dhiibaa oo uu yidhaahdaa dadka ku soo laaya, Aniga waxa ii muuqata in Baarlamaanka iyo Guurtidaba la kala diray oo xukun deg deg ah la soo rogay.”
Md Shoodhe Bidhaan wuxuu sheegay in aanu xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE aanu wadin wax dagaal ah, balse cida dagaalka abaabulaysaa ay tahay
xukuumadan dalka ka haysa.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee xisbiga KULMIYE Md Maxamed Muuse Abees horena uga tirsanaa Golihii hore Wakiilada, oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay shacbiga Somaliland uga digayaan colaado hor leh oo uu tilmaamay inay xukuumada Madaxweyne Rayaale ay abaabulayso.
“Waxaanu ummadda u sheegaynaa nimanka waxa laga yaqyaqsoodo ku hadlaya ee colaada hurinaya waxaanu uga digaynaa shacbiga, waxaana aanu leenahay iyaga ayay ku kooban tahay ee cid la wadaagtaa ma jirto. Waa ayaan darro in dadku ay kala garan waayaan cida doonaysa inay meel biyo leh furto iyo cida doonaysa in ummada dib loogu celiyo wax habeen walba ka baxaya TV-ga Qaranka,”ayuu yidhi Maxamed Muuse Abees.
Md Maxamed Muuse Abees, wuxuu intaas ku daray in magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland aan la kala lahayn oo cidna aan loogu hanjabi karin.

Sidoo kale, waxa xafladaasi hadalo kooban ka soo jeediyay Dr. Xusseen Muxumed Maxamed (Xusseen-Xoog) oo xubin ka ah Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE, kana mid ah dhakhaatiirta caanka ah Hargeysa oo isna shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in ay jiraan dad damqa nabaro hore u bogsaday waxaanu yidhi “Waxa damaq lagu sameeyaa nabaradii ay dadkani ka bogsadeen ee dagaaladii sokeeye ka soo gaadhay, oo la yidhaa anagu waanu aarsan doonaa iyo cidbaa na dishay oo waala iskugu kaayo tagay ee cidii gaar noogu baxda ayaanu ka aarsan doonaa.”

Dr Xuseen Xoog oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raaciyay “Horta Somaliland dagaalo badan oo sokeeye ayaa ka dhacay wayna ka heshiiyaan oo wax soo qaadaa ma jiro, dadkuna waxay ka soo qaadaan wax maalin maalmaha ka mid ah ka xumaaday oo ay ilaa maanta ka xun yihiin, balse aanay taariikhda ka tirtiri karin, markaa waxa weeyaan kuwaa kaleba lama soo qaadee maxaa ka Hargeysa loo soo qaadaa oo loo dhaqdhaaqjiyaa, malaha beeshan (Ciidagalle) hadlaysa dadkeeda ayaa loo haystaa dad aan waxba garanayn oo dammana oo la jiidhsiin karo xasaska, waxaan leeyahay beeshu way ka garasho roontahay in lagu guuro oo mar kale xas la jiidhsiiyo oo cid uoraad lihi ku guurto.”

Dr Xuseen , waxa uu sheegay in Beeshu nabad qaadatay, isla markaana aan nabada lagu khasbin ee ay iyadu door biday “Markii Hargeysa dagaalku ka dhacay Beeshu nabad ayay qaadatay, dagaalka gartisii cid lama siin, cid qaladkiisii ku cadaadayna ma jirto, waxa loo arkay wax umadda Somaliland, gaar ahaan reer Hargeysa ka xumaaday, dabadeedna waala isa saamaxay oo waxa la yidhi wixii daantaa ahna dabayli ha qaado, wixii daantaa ahna daad ha qaado, sidaas ayaa gacmaha la isu qabsaday lama xisaabtamin oo Maxkamad la islama tagin, beesha kaligeed lama dilayn ee iyaduna waxbay dilaysay, nabadana iyada ayaa qaadatay ee cid kumay soo khasbin, iyadaana danteeda u aragtay, ceebna kuma laha canaana kuma laha ee sharaf ayay ku leedahay.

Markaa ninka ka dhigaya samir taag waayay iyo nabad taag waa’ Beesha ayuu meel kaga dhacayaa ayaan leeyahay ee arinta noocaas ah ha ka waantoobo, umadda Somaliland-na waxaan leeyahay xaal ka qaata.”

Dr Ismaaciil Cali Jaamac oo ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, sidoo kalena ka mid ah dhakhaatiirta Caanka ah ee reer Hargeysa, oo isna halkaasi kalmado kooban ka sheegay ayaa yidhi “Dadwaynaha waxaanu sheegayaa ninka leh Hargeysa laguma hadli karo, waa nin wax matare yahay oo duli ah oo aan horena waxba u tarin, imikana aan wax tari doonin, mida kale ninka leh waalana dilay waa nin diciif ah oo fule ah, ninka leh maanta ayaanu aargoosanaynaa markii la isdilayayna waxba muu tarayn imikana aargoosan maayo ee dadka ayuunbuu edaabka ka xumaynayaa, markaa waxaan leeyahay cid la dilayna ma jirto, haddii dagaal dhacay waala is-dilay waana la heshiiyay.”

Dr-ka oo hadalkiisa ayaa yidhi “Ninka leh waala na dilayoow carruurtayadii ayaad fulayaal ka dhigtay, cid la dilay ma jirto ee dagaalaa dhacay waana la heshiiyay, raggii aanu is dilay saaxiib ayaanu nahay, ninka leh maanta ka aar goosta, maxaanka aargoostaa waanu heshiinay, igamanuu guulaysane, markaa arintaa waxaanu aragnaa ducfi”.

Waxa kale oo uu intaa ku daray “Ninka leh nin kursi ku fadhiya ee doorasho ku fadhiistay ayaan ilaalinayaa anaguna waxaanu Ilaalinaynaa ka la dulmiyo ee doorashada loo diido, ee xuquuqdiisa loo diido ayaanu ilaalinaynaa haddii aad adigu nin meel fadhiya ilaalinayso”.

Xubnaha Shirka Jaraa’id qabtay ayaa ka soo jeeda Beelaha Ciidagale ee Gobolka Hargeysa waxayna ka tirsan yihiin Golaha Dhexe gudida Fulinta ee xisbiga Kulmiye.


Maxamed Muse Abees


Dr Cagaweyne


Dr ISmacil

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: