Toggaherer’s Weblog

CILMI BAADHIS DAAH FURTAY YARAANTA VITAMIINADA C & A IN AY SABABTO CUDURKA XIIQDA AMA ASTHMA DA

Posted on: April 16, 2009

CILMI BAADHIS DAAH FURTAY YARAANTA VITAMIINADA C & A IN AY SABABTO CUDURKA XIIQDA AMA ASTHMA DA
Yaraanta Fitimiinada (vitamin) A iyo C-ga loo yaqaano ayaa la sheegay inuu kordhiyo halista cudurka Asthma ama neefta ama Xiiqda loo yaqaan sidaana waxa lagu sheegay Cilmi baadhis Cusub.

Jaamacada la yidhaa Nottingham University- oo iyadu waday Cilmi baadhistan ayaa baadhitaano ay samaysay oo gaadhaya ilaa iyo 40 cilimi baadhis lana sameeyey muddo 30 sanno ah gudahood lago ogaaday.
Cilmi baadhayaasha ama Seynisyahannada sameeyey baadhitaan kan ayaa u sheegay Joornaalka la yidhaahdo Thorax journal in dadku uu ku yar yahay vitamin C-gu ey halis ugu jiraan iney qaadaan cudurka Neefta iyagoo sidoo kale sheegay iney hubaan in xidhiidh ka dhexeeyo yaraanta Fitimin(vitamin) A-ga iyo Neefta.
Vitamin C-ga ayaa laga helaa khudradda iyo Khudaarta sida Bambeelmada, Liin dhanaanta iyo Khudradaha sida Tamaandhada. Halka Vitamin A-ga laga helo Kaluunka, Beedka iyo Labeenta (cheese).

Dhakhaatiirta ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay baadhitaano dheeraad iyagoo sidoo kalena sheegay iney jiraan waxyaabo kale oo kordhin kara Neefta sida cabbida Sigaarka, Khamriga iyo wixii lamid ah laakiin waxaa ey sheegeen in yaraanta Fitimiinkaasi ey gacan weyn ku leedahay qaadista cudurkan.

Turjumadii iyo Diyaarintii :Mubarik Yusuf Muse( Sir Mubarik)

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: