Toggaherer’s Weblog

ALQAACIDA OO KU WARGELISAY AMARTAYNA KOOXAHA KA DAGAALAMA SOMALIYA IN AY WEERARAAN JIBUUTI

Posted on: April 16, 2009

ALQAACIDA OO KU WARGELISAY AMARTAYNA KOOXAHA KA DAGAALAMA SOMALIYA IN AY WEERARAAN JIBUUTI

Washington 16 April 2009 THN
Xubin sarre oo ka tirsan ururka Alqaacida oo lagu magaacabo Sa’id Ali Jabir Al Khathim Al Shihri kana soo jeeda dalka Sacuudi Arabia ayaa cajalad cod ah oo laga sii daayay telefeshinka laga leeyahay dalka Mareykanka ee la yidhaahdo CBS ayaa waxa uu ugu baaqay kooxaha soomaliya ka dagaalama ee xidhidhika la leh Al qaacida inay weeraran dhulka xududduka ah ee Jabuuti halkaasoo ciidamada faransiisku ay ku leeyihiin xarun Mileteri oo weyn.

Sidoo kale waxa uu cajaladiisaasi ku sheegay in ay kooxaha muqaawamada ah ay weeraraan maraakiibta marta xeebaha Soomaliya isagoo yidhi ” waa inaad dagaalkiina aad kordhisaan kan badda iyo kan Jabuuti” Jabuuti ayaa waxa ku taala xarunta ugu weyn ee Mileteri ee faransiisku ku leeyahay Qaarada Afrika.

Waxa uu sidoo kale intaa ku daray in xeebaha Soomaliya ay adeegsadaan Gaalada, Yahuuda iyo weliba kuwa uu ku tilmaamay Carab balse uu sheegay inay ka guuleysan doonaan iyagoo kaashanaya Allah, wuxuuna yidhi waxaynu gadhi doona Wadamadooda.

Arimahani ayaa ku soo beegmaya xilli Faransiiska ay dagaal ba’an kula jiraan kooxaha budhcad badeeda oo ay ka hayaan maxaabiis badan iyadoo sidoo kalena ay Mareykanka diyaarinayaan qorshe la doonayo in lagu cidhibtiro budhcad badeeda soomaliya.

Waana markii ugu horeysay oo ay Al qaacida ugu baaqdo kooxaha soomalida inay qafaashaan maraakiibta soomaliya islamarkana ay weeraraan ciidamada faransiiska ah ee ku sugan jamhuuriyada jabuuti.

Maxamed Dandaawi
Washington ToggaHerer

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: