Toggaherer’s Weblog

WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA S/LAND CABDILAAHI CIRO OO KA HADLAY ARINTA KULMIYE

Posted on: April 15, 2009

WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA S/LAND CABDILAAHI CIRO OO KA HADLAY ARINTA KULMIYE

“Gaboose shan iyo toban Wasiir oo Wasaarada Arrimaha Gudaha soo maray ayuu kalidii xukun degdeg ah saddex sano iyo wax ka badan ku xukumay masuuliyiin iyo dad karaamo leh, taas baa u taal oo lagu qaadaya”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay inaanay Kulmiye u dulqaadan doonin, olole aan sharcigu jidayna aanay mar danbe samayn Karin laga bilaabo maanta

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland C/laahi Ismaaciil Cali Cirro oo shirjaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Hargaysa ayaa ku hanjabay inaanay u dulqaadan doonin xisbiga Kulmiye mar danbe ku talaabsado inuu xaflado ololaysan oo amaanka dalka khatar ku keeni kara ku qabsadaan meelo banaano ah oo ka baxan gudaha xafiisyadooda.

C/laahi Cirro waxa uu maanta shirkaasi Jaraa’id ku sheegay inay ka soo saareen go’aan is hortaagaya inay axsaabtu si aan sharci ahayn u sameeyaan olole ay dad shacab ah isugu soo saaraan, waxaanu sheegay go’aankoodasi inay u cuskadeen qoraal Koomishanka Doorashooyinku u soo gudbiyey oo Wasaarada ka dalbanaya iyo axsaabtaba in la joojiyo ololaha.

C/laahi Cirro waxa uu Xisbiga Kulmiye ku Eedeeyay inay dalka ka wadaan xasilooni daro iyo Nabadgelyo daro, waxaanu sheegay inay xaafadaha iyo Magaalooyinka ka soo uruuriyaan dad aan xilkas ahayn oo khalkhal abuuraya, sidoo kalena waxa uu sheegay inay ardayda dugsiyada ee waxbarashada u soo kalahay ay wakhtiga nususaacaha ah ku beegaan xafladahooda kuwaasoo ku soo urura goobaha ay ka hadlaan taasina ay tahay dhibaato xisbiga ku doonayo inuu ardayda u adeegsado inay ku kacaan dhibaatooyin iyo mudaharaado.

Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa uu si ba’an u weeraray Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo uu ku eedeeyay dhibaatada ugu wayn inuu dalka ka wado waxaanu xusay Gaboose inuu ku qaadi doono go’aamadii iyo xukumadii uu dad ku riday wakhtigii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Guddaha, isagoo Gaboose la hadlayana waxa uu yidhi “ mid waxaan odhanayaa Gaboose “Gaboose shan iyo toban Wasiir oo Wasaarada Arrimaha Gudaha soo maray ayuu kalidii xukun degdeg ah saddex sano iyo wax ka badan ku xukumay masuuliyiin iyo dad karaamo leh, waxaanan u sheegayaa Wasaarada inay yaalaan faylashiisii sidaasi daraadeed waxaan u sheegayaa Dr. Gaboose in uu mutaysan doono wixii uu hore u dhigay haddii uu joojin waayo hagardaamada iyo dhibaatooyinka uu dalka ka wado”

“Gaboose shan iyo toban Wasiir oo Wasaarada Arrimaha Gudaha soo maray ayuu kalidii xukun degdeg ah saddex sano iyo wax ka badan ku xukumay masuuliyiin iyo dad karaamo leh, taas baa u taal oo lagu qaadaya”

Maxamed Muuse
Hargaysa

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: