Toggaherer’s Weblog

WARSAXAAFADEED XAFIISKA QARAMADDA MIDOWAY U QAABILSAN ARRIMAHA SIYAASADA SOOMAALIYA (UNPOS)

Posted on: April 15, 2009

WARSAXAAFADEED XAFIISKA QARAMADDA MIDOWAY U QAABILSAN ARRIMAHA SIYAASADA SOOMAALIYA (UNPOS)

WARSAXAAFADEED XAFIISKA QARAMADDA MIDOWAY U QAABILSAN ARRIMAHA SIYAASADA SOOMAALIYA (UNPOS)

WAR-SAXAAFADEED 013/2009

SRSGa oo cambaareeyey burcad-badeednimadda sii socota

Nairobi, 14 April 2009: Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoway u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah ayaa sheegay in falkan burcad-badeednimada ah uu noqday masiibo caalami ah oo dhaawacaaya muwaadiniinta caadiga ah ee Soomaaliyeed, kuwa gobolka iyo aduunkuba.

“Waxaan si aad ah u aaminsanahay in talaabooyinka la taaban karo ee ku aadan joogteynta iyo soo kordhinta tirada maraakiibta caalamiga ah ee jooga dhulka xeebaha Soomaaliya ka baxsani ay yareynta doonto ciriirina gelin doonto falka buracad-badeednimada” aytuu yiuri Axmedou Uold-Abdallah.

“Haddii maraakiibtan caalamiga ah ayna joogi lahayn masiibada burcad-badeednimada la xiriirta intan waa ka xumaan lahayd.

“|Dalalka ka qeybqaadanaaya joogitaanka ciimada caalamiga ah waxay qabanayaa shaqo aad u haboon, laakiinse dhulka la rabo inay ka howlgalaan ayaa aad u weyn, falkii is difaacida ahaa ee ay dhowaan fuliyeen dawladaha USA iyo France waxay fariin adag ah u dirasaa burcad-badeedka gaar ahaan kuwa taageera ee ka faa’deysanaya masaakiinimada iyo rajo la’aanta haysata dhalinyaradooda shaqada la’aanta ah”

Ergayga gaarka ah waxaa uu yiri maanta ugu yaraan 300 ruux iyo 17 markab ayaa waxaa afduub u haysta koox yar oo dantoodu keliya ay tahay inay si sharci darro ah faa’ido u kororsadaan, haddaba in la helo xal ciidan waa muhiim waana in arintan barbar socotaa hurumarin la taaban karo ee dhinaca shaqo abuurista iyo horumarka ah.

Si loo xaqiijiyo in xasilooni loo helo Soomaaliya, wadamada gobolka iyo xuriyadda miyo-mareenadaba waa in si dhaqsi leh loo tilmaamaa lalana xisaabtamaa kuwa dhaqaale ahaan kaalmeeya burcad-badeednimada: ayuu yiri Axmedou Ould-Abdallah.

Wixii war dheeraad ah fadlan la xiriir: Susanah Price or Donna Cusumano, Public Information Officers, Un Political Office for Somalia (Nairobi, Kenya) Tel: +254 20 762 1192/1625 or +254 733 902 020/ 737 400 133 Please visit: http://www.UN-Somalia.org

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: