Toggaherer’s Weblog

MADAYWEYNE ASIF ZARDARI OO SAXEEXAY IN SHAREECADA LAGU XUKUMO SWAT

Posted on: April 15, 2009

MADAYWEYNE ASIF ZARDARI OO SAXEEXAY IN SHAREECADA LAGU XUKUMO SWAT

Pakistan 14 April 2009(THN)
Madaxweynaha dalka Pakistan Asif Cali Zardari ayaa saxiixay qodob dalkaasi Pakistan gudihiisa muran dhaliyay oo shareecada Islaamka loogu soo rogayo gobolka Swat ee dalka Pakistan.

Saxiixa madaxweynaha ee go’aankan waxa uu yimid ka dib markii baarlamaanka dalkaasi uu ansixiyay in madaxweyne Zardari uu ku tilaabsado balanqaadkii loo sameeyay Taliban.

In shareecada Islaamka laga hirgeliyo gobolka Swat waxay ahayd heshiis lagula galay bishii February Islaamiyiinta Taliban iyagoo kaasi kaga bedelanaya inay joojiyaan dagaalka ay kula jiraan dowladda.

Madaxweyne Zardari ayaa markii hore dib uga gurtay inuu saxiixo heshiiskaasi ka dib markii ay dhaleeceyn kaga timid xulafadiisa reer Galbeedka.

Reer Galbeedku waxay ka walaacsan yihiin in hirgelinta shareecada Islaamka ay keento ku xadgudub badan oo dhinaca Xuquuqda aadamaha iyo in ay gacan helaan koxaha mintidiinta Islaamka ee gobolka ku sugan.

Laakiin ra’iisal wasaaraha xukuumada Yuusuf Reza Gilani wuxuu sheegay in baarlamaanka laftiisu ay ka go’an tahay inuu ku dhaqmo shareecada Islaamka.

Gilani wuxuu u sheegay xildhibaanada in loo baahan yahay in dalka oo dhan la mideeyo iyadoo la qaadanayo shareecada Islaamka, sidaasi ayuu sheegay in umadu ay ku aamin karto.

Baarlamaanka waxa uu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay dalabkii dowladda ee ku saabsanaa in gobolka Swat laga dhaqangeliyo sharciga Islaamka.

Balse waxaa codeynta ka gaabsaday hal xisbi oo lagu magacaabo Mutaxida Qowmi Muvement, kaasoo sheegay inuusan aqbaleyn in sharciga Islaamka lagu qaato qori caaradii.

Faaruuq Sattaar hogaamiyaha xisbigaasi wuxuu sheegay inay u arkaan go’aankaasi isdhiibid laysku dhiibay kooxaha mintidiinta.

Laakiin madaxweyne Zardari wuxuu si toos ah u aqbalay inuu saxiixo go’aanka sharciga Islaamka ee gobolka Swat.

Warqabadka Togaherer
Pakistan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: