Toggaherer’s Weblog

HAYAD MIINADA SAARTA OO DIB LOOGA CELIYE DEGMAHA BUUHOODLE IYO WARARKALE

Posted on: April 15, 2009

HAYAD MIINADA SAARTA OO DIB LOOGA CELIYE DEGMAHA BUUHOODLE IYO WARARKALE

Buuhoodle 14 April 2009(THN)
Waxaa maanta Magaalada Buuhoode Ee xarunta gobolka Ceyn dib looga celiyay Hay’ad dhinaca miino barista ah oo ka socota dhinaca dawlada Somaaliland .

Qaar ka mid ah golaha cuqaasha Deg Buuhoodle, Saraakiisha Ciidamada iyo Dadweyne ayaa Markii ay soo baxday in Hay’adaasi Miino barista u socotay oo ka timi dhinaca Maamulka Soomaaliland ay soo gaartay Magaalada Buuhoodle Waxay bilaabeen in ay abaaraan Goobihii ay ku soo degeen ka dhibna kala hortagay rabshadado ay sameynayaan dadweynaha waxaana ugu dambeyntii suurto gashay in Cuqaasha Buuhoodle la kulmaan una sheegeen in ay deegaanka isaga baxaan .

Qaar ka tirsan cuqaasha ee Deg Buuhoodle oo ka war bixinaayey ayaa sheegay in ay dib u celiyeen Hay’adaasi iyagoo tibaaxay in Ujeedada Hay’adaasi aheyd mid siyaasadeed islamarkaana ay ku mar marsiyoonayeen Arinta miino baris ay ka sameeyaan Deegaanka .

Ma ahan markii ugu horeysay oo gudaha deg Buuhoodle dib logaga celiyo Hay’ado isugu jira kuwo famafal iyo kuwo arimo Bulsho waxayna aheyd sanadkii hore mar dib looga celiyay degmada Buuhoodle Hay’ad Samafal oo ka socday Maamulka Soomaaliland ka dib rabshado ay sameeyen dadweynaha degmadaasi .

Dhanka kale Roobab lagu diirsaday ayaa waxay ka de’een qeybo badan oo ka tirasan Gobolka Sool iyo Gobolka la dereska ah ee ceyn waxaana lagu soo waramyaa in roobabkaasi ay buux dhaafiyeen qeybo badan oo ka tirasna Baliyada Deegaanada uu maansheeyay taas oo farxad galisay dadkii deegaankaasi ku dhaqnaa.

Baashe Xasan Jibriil
Buuhoodle

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: