Toggaherer’s Weblog

DAAWO VEDIO LAGA SOO QAADAY GURIGII AWOOWYAASHA IYO QABRIGII SHEEKHYADA IYO WARIYE DALMAR

Posted on: April 15, 2009

Barnamijkan oo ah muuqal Tv ayaa waxaa uu ka mid yahay barnamujyada muuqaalada Dalka Somaliland ee uu idin soo diyaariyo Tvsomalilandeurope,hadaba waxay ahayd okt 2008 markii aan booqdey gobolka Sanaag halkaas oo uu gobolka caan ku yahay quruxda dabiiciga ah oo soo jiidata indhaha binu aadmiga,

Gobolka Sanaag ayaa waxaa uu leeyahay goobo taariikhiya oo lasoo booqdo sida magaalada Maydh oo ay ku yalaan qabriyada shuukhda ay badiba kasoo jeedaan dadka Somalidu sida qabriga Sheekh Isaxaaq Binu Ahmed oo ay kasoo jeedaan gabi ahaan beelaha Isaaqu.

Hadaba barnamujkan oo muuqal ah ayaa waxaa iyaguna qabriga sheekha soo booqdey oo safarkan Dalmar ku weheliyey Khadija Bandare,Qamar Taleex Iyo Muna Ahmed.

Muuqalkan ayaad arki doontaa bal sida uu u eegyahay Qabriga Shuukhu ku aasan yahay oo lagu qiyaasey inuu dhintey 870 sanadood ka hor.Rutii qabriga Sheekha Korka ayaan ka sawirney iyada oo aan la ogoleyn in gudaha Kamarda Laga Duubo.

Barnaujku wuxuu ubadan yahay muuqaalo dabiiciya oo aan lahayn hadal Badan,waana Markii ugu horeysey Ee uu ka baxay Tvsleurope maanta 12/04/2009

Ruuntii Mucjisooyin badan ayaan ku arkay Qabriga Sheekha Waxaana ka mid ahaa.

1.Ceel Biyihiisu aad u Macaan yihiin oo aan gudhin oo sheekhu qodey isla markaana wax yar u jira badweynta oo biyaheedu Milix yihiin,waana halkuu murjinkiisa ku tuurey markuu Maydh sheekhu Yimi.

2.Qabriga Sheekha Oo Wax yar u jira badweynta oo aaney Badu Qabriga Marna soo gaadheyn biyaheedu.

3.Markaan kasoo baxyney qabriga Sheekha oo ay booqosho noogu yimaadeen ilaa 8 Shinbaraha Loo yaqaan Galydhka oo isku taagey hareeraha Qabriga Sheekha iyadoo dadku ka faalooda arimaha Awliyadu aynoo sheegeen in ay tani u dhigmato Inamdii uu sheekhu Dhalay oo ahaa 8 inan.

4.Qooraalo ma guuran ah oo aan duugoobin oo ku qornaa Dhagxaanta ardaga Sheekhu fadhisan jirey.

Dhamaan mucjisooyinkan kor ku xusan ayaa qaar ka mida Kamardu haleeshay oo aad dawan doontaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: