Toggaherer’s Weblog

WAXAA MAANTA MADAARKA MUQDISHO KA SOO DEGAY DONALD PAYNE

Posted on: April 14, 2009

WAXAA MAANTA MADAARKA MUQDISHO KA SOO DEGAY DONALD PAYNE

Donald Payne iyo Raysul Wasaare Sharmarke oo saxaafada u waramay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Congersman reer Maraykan ah oo lagu magacaabo Donald Payne oo kulamo kula yeeshay magaalada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Donald Payne ayaa kulankii uu la yeeshay mas’uuliyiinta Dowlada Soomaaliya kadib wuxuu saxaafada in uu aad ugu faraxsan yahay inuu yimaado magaalada Muqdisho, isla markaana uu indhihiisa kusoo arko xaalada ay ku jirto Dowlada Soomaaliya.

Donald Payne iyo Raysul Wasaare Cumar Cabdirashiid
Mr.Payne ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in Dowlada Soomaaliya ee xiligan ay wax weyn ka bedali karto xaalada dalka, asagoo sheegay inuu horey u yimid dalka Soomaaliya xiliyadii dagaalka Sokeeye kadib.

Donald Payne ayaa kamid ah xubnaha Congerska Maraykanka kamid ah ee sida gaar ah u daneeya arrimaha Soomaaliya, asagoo lagu tilmaamo xubno ka shaqeeyey taageeridii Shirkii Jabuuti ee dowlada Maraykanka iyo kaalintii ay ka ciyaartay Guddiga xiriirka caalamiga ah ee Contact Group. Donald Payne ayaa sidoo kale kamid ah xubnihii sida gaarka ah ulla socday dadaalkii Qaramada Midoobay ee uu waday Axmed Wallad Cabdallaha ee lagu heshiisiiyey Isbaheysigii Dib u xoreynta uu hogaamin jiray Madaxweynaha Dowlada Soomaliya Shiikh Shariif iyo Dowladii Federaalka.

Donald Payne ayaa diyaarad khaas ah kasoo qaatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna congresmanka kala kulmay magaalada Muqdisho soo dhaweyn, hase yeeshee xiligii uu baxayey ayaa waxaa Airporka lagu soo tuuray Madaafiic lala beegsanayey diyaarada, ayadoo mid kamid ah madfaca u ku dhacay Airporka meel wax yar u jirta.

Donald Payne ayaa isku gadaamay Lix illaalo khaas ah oo Maraykan ah oo la socday iyo ciidamada AMISOM ayadoo diyaaradii Congresmanka ay si deg degleh uga duushay Airporka, waxaana duulitaanka diyaarada kadib kusoo dhacay Airporka nawaaxigiisa 5 madfac oo Hoobiyaal ah.

Wax dhibaato ah masoo gaarin Congresmanka iyo illaaladii la socotay iyo diyaaradoodiiba. Hase yeeshee ugu yaraan 3 caruur ah ayaa ku dhaawacmay madaafiicdan ku dhacay xaafadaha ku dhaw Airporka.

Rep.Donal Payne ayaa kamid ah Xildhibaanada ugu wakhtiga dheer ee ku jira Congreska Maraykanka, waxaana Mr.Payne loo soo doortay Kursigiisa Congresska 10 jeer, wuxuuna kasoo jeedaa Gobolka New Jersey.

Maraykanka oo ka hadlay Duqeynta Airporka.

Xoghaynta Xildhibaanka Maraykanka Ms. Kerry McKenney ayaa saxaafadda u sheegtay inay rumeysan yihiin in duqeynta maanta lala beegsaday Rep.Donald Payne ay jawaab u tahay dilkii shalay loo geystay 3 burcad badeed ah oo ay dileen ciidamada Maraykanka ayey tiri Ms.McKenney.

Sidoo kale Senator Russ Feingold oo kamid ah Senatorada Maraykanka ee xiiseeya arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in wax dhib ah uusan soo gaarin Mr.Payne, asagoo sidoo kale u riyaaqay tilaabadii ay ciidamada Maraykanka ku badbaadiyeen Captain Phillips oo ay afduub ku heysteen burcad badeed.

Senator Feingold ayaa sheegay in Dowlada Bush ay indhaha ka qarsatay xaalada cakiran ee dalka Soomaaliya, isla markaana loo baahnaa in wax laga qabto, asagoo sheegay in aan indhaha laga qarsan karin dalka Soomaaliya oo loo baahan yahay in xal loo helo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: