Toggaherer’s Weblog

ERGADII GUUTIDA EE CEELBARDAALE OO SHEEGTAY INMURANKA DEGAANKAASI DHAAMAANAYN…..

Posted on: April 13, 2009

ERGADII GUUTIDA EE CEELBARDAALE OO SHEEGTAY INMURANKA DEGAANKAASI DHAAMAANAYN…..
“Haddaan go’aamo adag oo fuleya laga soo saarin muranka ka taagan deegaanada ceelberdaale khilaafkani ma soo afjarmayo, anaguse ergo Guurti ahaan maanta wixi ka dambeeya xukuno adag ayaanu ka soo saari doonaa labada beeloodba” Sidaa waxaa yidhi xildhibaan Cumar Nuur Xasan Weeye oo ka mida ergada golaha Guurida ee hawsha ergada dhexdhexaadinta ah ka wada deegaanada Ceelbardaale ee dhawaan shaqaaqada dhimashada iyo dhaawaca keentay ay ku dhexmartay labada beelood ee kasoo kale jeeda gobolada Gabiley iyo Awdal, taas oo xildhibaan Cumar Nuur waaye oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay shalay galab isagoo jooga magaalada Gabiley uu noo sheegay in saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey ay ku guda jireen sidii xabad joojin lookale dhexdhigi lahaa beelaha diriray, isagoo intaana ku daray xukuumadii hordhaca ahaa ee ay hore uga soo saareen nabadaynta deegaankaasina uu sheegay in labada beeloodba ay jabiyeen balse todobaadkan gudihiisa ay ka soo saari doonaan xukuno iyo ciqaab adag, isagoo xukuumadana ugu baaqay in go’aanada laga soo saaro nabadaynta iyo khilaafyada ka taagan deegaanadaasi ay sidooda u fuliso.

Xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo ka hadlaya nabadaynta iyo guud ahaanba xaalada deegaanadaas iska hor imaadku ka dhacay waxa uu yidhi “ anagu ergo Guurti ahaan saddexdii maalmood ee ugu danbeeyey waxaanu ku guda jirnay sidii xabada loo joojin lahaa ee labada beeloodna loo dajin lahaa, runtiina maanta ilaa barito ayaanu gudagalaynaaa xalinta shaqaaqadii dhacday, waxaananu rajaynaynaa inaanu xukuno adag oo ciqaaba ka soo saarno hawlaha nabadaynta”

S: Haddii xukuumadii hor dhaca ahaa ee ka soo saarteen nabadaynta labada beelood oo aydin horana uga dhaariseen labada beelood dhinacba 25 oday ay waxba ka fuli waayeen sidaa ayey u fuli karaan go’aanada danbe e aad soo saarteen ?

j:Horta xukuumadii hor dhaca ahaa ee aanu kasoo saarnay nabadaynta oo aanu ka dhaarinay qoloba 25 oday, labada beeloodba way jabiyeen nabadayntii, iyaguna way og yihiin haddii aan talaabooyin ciqaaba oo adag laga soo saarin cida jabisa xukunada nabadayntana shaqadani ma soo afjarmayso balse fulinta go’aamada la gaadho xukuumada ayaa iska leh arinkeena masuuliyiinta dawlada waanu ka wada soconaa iskaga aragtina waanu nahay, wakhtigan xaadirka ahna masuliyiinta ciidamada amaanka ee deegaanadaa joogana waxaanu sila qaadananay in qofkii qori sita ee la arko ee qoriga dhigi waaya talaabo adag laga qaado.

Arrinkaasina saraakiisha ciidamada waanu ka wada hadalnay wakhtigan xaadirka ahna xaaladu way degan tahay arinka ugu wayn ee noo qabsoomayna wa xabadjoojin ka hirgashay deegaanadii dirirtu ka dhacday.

Odayaasha labada beeloodna waanu la hadalnay kulano gaar gaarana waanu la kala yeelanay, labada dhinacna nabadayntii iyo xabad joojinti way nala qaateen

Haatuf

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: