Toggaherer’s Weblog

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Oo Kulamo La Isugu Dhaweynayo La Yeeshay Madaxweyne Rayaale Iyo Xisbiga KULMIYE.

Posted on: April 11, 2009

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa labadii caano maal ee u dambeeyay kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxda sare ee xisbiga KULMIYE.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulamadaas uu guddoomiyaha UCID la yeeshay labada dhinac, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay inuu labadii habeen ee Khamiistii iyo Jimcihii uu madaxtooyada kulan kula qaatay Madaxweyne Rayaale. Kulankaas oo uu Faysal Cali Waraabe ku weheliyay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa ay labada dhinac iskaga xog waraysteen xaaladda siyaasadeed ee dalku ku jiro iyo isbedeladii u dambeeyay ee dalka ka dhacay. Warku waxa uu sheegay in guddoomiyaha UCID Madaxweyne Rayaale u soo jeediyay inuu ka tanaasulo mawqifkiisa adag ee la xidhiidha muddo kordhinta, islamarkaana uu qaato mawqif saddexaad oo uu xisbiga UCID wato, oo lagaga baxo xaaladda cakiran.

Sidoo kale, waxa la sheegay in Faysal Cali Waraabe, gelinkii hore ee khamiistii uu kulan la yeeshay madaxda xisbiga KULMIYE, oo uu iyagana u soo bandhigay mawqifkiisa cusub ee uu isugu soo dhawaynayo labada dhinac, waxaana la sheegay inuu iyagana u soo jeediyay inay qaataan mawqifkiisa cusub, si meel dhexe la isugu yimaado.

Hase yeeshe ilaa hadda si rasmi ah looma oga in labada dhinac aqbaleen qorshaha UCID, laakiin waxa ay ilahani Geeska Afrika u sheegeen inay labada dhinac kala taagan yihiin laba mawqif oo aad u kala fog.

Madaxweyne Rayaale ayaa la sheegay inuu taagan yahay inaanu wax kulan ah la yeelanayn KULMIYE tan iyo inta ay taagan yihiin mawqifkooda ah in aanay aqoonsanayn xukuumaddiisa iyo isaga toona.

Sidoo kale Madaxda KULMIYE ayaa iyagana la sheegay inay taagan yihiin mawqif adag. Balse guddoomiyaha UCID ayaa la filayaa inuu maanta iyo caawa kulamo dambe la yeesho Madaxweyne Rayaale iyo xisbiga KULMIYE.

Xisbiga KULMIYE ayaa tan iyo wixii ka dambeesay 6 April, aan aqoonsanayn xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo ay Golaha Guurtidu muddo lix bilood ah dhawaan u kordhiyeen, waxaanay taasi sababtay inay cakiranto xaaladda siyaasadeed ee Somaliland.

Deeq bixiyayaasha taageera dimuqraadiyaynta Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay toddobaadkan ka soo saareen magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, waxa ay ku muujiyeen sida ay uga walaacsanyihiin isbedelada cusub ee Somaliland ku soo kordhay. waxaanay ku baaqeen in marxaladdan lagu jiro wada hadal mooye aanu jid kale furnayn. Sidoo kale waxa ay hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee Somaliland ugu baaqeen inay muujiyaan dulqaad iyo xilkasnimo islamarkaana ay tixgeliyaan hamiga shacabka.


Geeska Afrika

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: