Toggaherer’s Weblog

CODKA RADIO HARGEYSA OO SI FIICAN U SOO GAADHAY GOBOLKA KONFUREED EE SAUDI ARABIA

Posted on: April 11, 2009

CODKA RADIO HARGEYSA OO SI FIICAN U SOO GAADHAY GOBOLKA KONFUREED EE SAUDI ARABIA

CODKA RADIO HARGEYSA OO SI FIICAN U SOO GAADHAY

GOBOLKA KONFUREED EE SAUDI ARABIA

Qore: Xasan Saxil, Jazan, Saudi Arabia

Waxaan hambalyo soo gaadhsiinayaa una sheegayaa Wasaaradda Warfaafinta, Wasiirkeeda, Farsamo yaqaanada iyo Shaqaalaha ka hawlgala Radio Hargeysa in tahay guul iyo hormar loo talaabsaday xaga farsamada iyo tayda Radio Hargeysa oo haatan si fiican u soo gaadhay dhegaha Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Gobolka Konfurred ee dalkan Saudi Arabia.

Runtii aad ayaanu ugu faraxnay, aniga iyo inta daneysa codka Radio Hargeysa, in aanu si fiican oo tayo leh u dhageysano, markii ugu horeysay taariikhda Radio Hargeysa, kana dhageysano meelo ka aad uga durugsan dalkeena hooyo, gaar ahaana Gobolka Konfureed ee Saudi Arabia, magaalada madaxdiisa Jazan iyo magaaladda taariikha ah ee Sabya oo 25-KM ka xigta geesta Waqooyi.

Markii ugu horeysay ee aanu maqalno Radio Hargeysa waxay aheed, maalintii Khamista ee ay taariikhdu aheed 2-dii April 2009., Saacada geeska Afrika waxay aheed 2:45 galabnimo, Mawjada SW, ee dhererkeedu yahay 7145kHz.

Waxaan dhacdadan ku tilmaami karaa mid guul ah oo u soo hoyatay dalkeena hooyo, wasaarada warfaafinta iyo shaqaalaha Radio Hargeysa, anga oo ku rajo weyn in baahintu intaasi ka sii durugto si aanu ula socono hormarka uu dalkeenu u qaaday xaga farsamada isgaadhsiinta, dhaqaalaha, wararka iyo nolol-maalmeedka.

Waa guul u soo hoyatay Dalkeena Hooyo iyo Dadkiisa Nabada Jecel oo la taaban karo. Cidii u baahata faahfaahin intaasi ka badan, waxay igala soo xidhiidhi kartaa: hassan@arabianshrimp.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: