Toggaherer’s Weblog

WARARKA CAALAMKA IYO WARQABADKA TOGA HERER

Posted on: April 10, 2009

WARARKA CAALAMKA IYO WARQABADKA TOGA HERER

JAPAN OO CUNAQABATAYN KU SO ROOGAYSO DALKA NORTH KOREA

Xukumada Dalka Japan ayaa Dib u bilaabaysa CunaQabatayntii Dhaqaleed ay ku haysay North Korea Sanad kale ka dib markii ay Dalka North Korea aay dirtay Gantal Satellite ah.

Dalka North Korea ayaa Satellite-ka ay dirtay ku sheegatay mid Xanbaarsanaa Waxyaabo ku sabsan Isgadhsiinta (Telecommunication), lakiin Japan iyo Wadamo kale ayaa sheegay in uu xanbaarasanaa waxyaabo ka samaysan Necluear-ka..
Warbixinada ka soo baxaya Xarunta Qaramada Midobay (UN) ayaa sheegaya in ilaa iminka Go’an midaysan laga bixiin Gantaalka ay North Korea aay dirtay Maalintii Axada.

China iyo RUssia ayaa Keenay Mooshin ah in aan ogolanayn Cunaqabatayn lagu soo rogo North Korea iyaga oo leh in aan wali la hubin in ay dalkas jabisay Shurucdii ka dhaxaysay Wadamada calamka.
\Hadaba Cunaqabataynta lagu soo Rogay Pyongyang ayaa saamayn ku noqonaysa ganacsiga ay is weydarsadaan labada Dal.

HASSAN NASRULLAH OO SII KULUL U JAWABAY HADALOO DHAWAN KA SOO BAXAY XUKUMADA DALKA MASAR

Xogahaya Guud ee Ururka Hizbullah Xasan Nasrallah Ayaa waxaa u si Kulul uga Jawabay Hadalkii dhowaan Ka soo yeedhay Xukuumadda dalka Masar Kaasi Oo dowladda Masar Ay Ku Eedaysan Nasrallah In u Maleegayo falal amni xumo oo Ka dhaca Dalka Masaarida.

Nasrallah Waxaa u si cad Isaga fogeeyey Eedaymahasi Waxaana u Sheegay In arimahasi ay Yihiin kuwo been abuur ah isla Mar kasna anay Jirin wax Falal Amni Xumo Oo Uu Doonayo In u Ka fuliyo Masar iyo meelo kale oo Caalamka Ka tirsan.

“Xisbullah Waxaa Ay Ka Shaqaynaysaa Sidii Muslimiinta loo taageeri lahaa laakiin kama Shaqayno sidii Umada loo dhibi Lahaa lslaamka taasi ma aha wax looga bartay Xisbullah Laakiin dowladda Masar Ma ahan Dowlad Dhamaystiran oo Cadaali ah lamana socoto wacyiga Jira ee Caalamka Islaamka intaas Wan sheegaynaa cidna ka qarin mayno”

Nasrallah waxaa u Intaasi ku daray in Xisbullah ay Iska difaacayso cid Kasta oo ka Soo Horjeeda.

OBAMA OO KA CODSADAY CONGRESS-KA LACAQ DHEERAD AH

Madaxweynaha dalka Marykanka Barack Obama ayaa ka codsaday Goliha Congress-ka lacag dheeraad ah oo gadhaysa $83.4 billion oo lagu kharash gareenayo Howlaha Shaqo ee ay Ciidamada Maraykanku ka wadaan Ciraaq iyo Afghanistan.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in codsigan u yahay kii ugu danbeeyay ee uu Wax uga qabanayo Dagaalka uu kula jiro Taliban.Lacagtan fulinta shaqo ah ayaa la doonayaa in ay noqoto mid looga howgalo Afghanistan

Mr Obama ayaa soo bandhigay kal hore istaraatiijad cusub oo Ciidamo hor leh lagu gaynayo Afghanistan, taas oo u baahan dhaqaalo farabadan Arintan ayuu Golaha soo hor dhigay dhawaan si markaas ay u taageeraan howgalka cusub ee maraykanku ka bilaabi doono Dalka Afghanistan.

Obama ayaa haatan ku howlan in uu Soo nooleeyo xidhidhkii uu Maraykanku la laha Caalamka Islaamka balse waxaa laga cabsi qabaa in uu wax ka badalo Heshiisyada dhowrka ah ee uu la soo galay wadamo Islaam ah oo uu tagay hadii uu weeraro Taliaban oo halka ay joogaan ku nool yihiin Dad Maanto ah Muslimiin ah.

CIIDAMADA DALKA CHAD OO QABTATAY ASKARII FARANSIS AH OO BAXSADAY

Ciidamada AmNIGA Dalka Chad ayaa qabatay Askari Faransiis ah, kaas oo dilay 4 Qof oo ay labo Saaxiib kiis ahayaan iyo 3 Ka tirsnaa Ciidamada Qaramada Midoobay ee UN-ka iyo Nin Beeralay ah oo Chad u dhasha.

Nikan ayaa lagu qabtay mar uu islaha Biyo ka cab Ceel 10 Kilo Meter u jira Saldhiigii Ciidan ee uu ka tirsanaa oo ku yaalay Bariga Dalka Chad gaar ahaan Magaalada Abeche sida ay sheegayaan Saraakiisha Faransiiska iyo kuwa Chad.
Xadhiga a Ninkan ayaa ka danbeeyay markii la ogaaday in ay jiraan Niman ka tirsan Ciidamada UN-ka ee Ka howlgala Darfur in ay Ugadhsadaan Dadka aan wax galabsan ee ku sugan Xadka ay Chad la wadaagto Sudan, taasina ay ka cadhaaysiisay Xukumada Dalka Chad..

Saraakiisha Faransiiska ayaa ku sheegay Baxsadka Ninkaasi in uu ahaa mid aan laga warhayn oo la maqlay mardanbe unaa qaatay Faras uu kaxaday Deegaanka isaga oo ula kacay Dhanka Konfureed ee Saxaraha.

Ninkan ayay qabtay haatan Xukumada Chad ayaa jira Da’ahaan 27 Sano waxa uuna asal ahaan ka soo jeeda Dalka Guinea balse uu ka tirsanaa Ciidamada Faransiiska oo uu dhalasho ka haysto Dalkooda, sida laga soo xiganayo Wakaalada Wararka Faransiiska ee AFP.

Ka hor intii uusan Askarigani baxsan ayuu toogasho ku dilay Askari katirsanaa UN-ka oo u dhashay Dalka Togo iyo labo kale oo Saaxiibo la ahaa oo Askarta Adeega Banaanka u keeni jiray, Kadibna waxa uu toogasho ku dilay Nin Chad u dhashay oo Beeralay ah oo uu Faraskiisa Xoog uga qaatay isaga oo laga cabsi qabay in uu ula baxsado dhanka Sudan balse markii danbe ay qabteen Ciidamada Dalka Chad Halka uu Nimankan ku dilay ayaa lagu sheegay in ay tahay Saldhiga ku yaala Kaamka Etoiles ee Magaalada Abeche.

Wasaarada Arimaha Dibada Dalka Faransiiska ayaa sheegatay in dhowr jeer la baadhay caafimaadkiisa Ninkaas balse uu jiray Xanuun yara hayay wallow ay meesha ka saaray in usan wax qabin markii loo qaatay Ciidanimada 2007 oo uu ka mid Noqday Ciidamada UN-ka ee ka howgala Darfur.

WarQabdka Caalamka TogaHerer
Pakistan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: