Toggaherer’s Weblog

SHEEKH BOSAASO KU XIDHNAA OO MAXAKAMAD LAGU SAARAY BOSASO

Posted on: April 9, 2009

SHEEKH BOSAASO KU XIDHNAA OO MAXAKAMAD LAGU SAARAY BOSASO

SHEEKH BOSAASO KU XIDHNAA OO MAXAKAMAD LAGU SAARAY BOSASO

Togaherer.com – Maxkamada Bosaso oo siideysay Sh.Cismaan M Shire (Dhageyso)

Boosaaso 08 April 2009 (THN)

Maxakamadda Shiikh Cismaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadweyne aad u faro badan kuwaas oo kala ahaa Shiikha ehelkiisi, iyo dadkii ku xirnaa Duruustiisa iyo Meelaha uu wax ku daweeyo ee loo yaqaan Shifo, iyo taageerayaal kale oo badan.

Kadib makii uu Xeer ilaaliyaha Maxkamadda uu soo oogey denbiyada ku xusan qodobada 321 iyo 322 iyo 214 ,164 xeerka ciqaabta Somaliyeed , waa kicin umadeed waa dhiiri galin dad in ay sharciga u hogaan sami waayaan , wa ku dhiigi galin dad wax ma garad ahi in ay sameeyaan khal khal iyo nabad galyo daro , khatarnimo bulsho buu ninkaasi ku eedaysan yahay ,nagama diidin in uu ku eedaysnaa ninkan la yidhaa Cismaan waana nin caan ku ah waxyaalahaas aan soo sheegay oodhan oo dadkana gaalaysiiya.

Shiikh Cismaan Maxamed Shire oo fursad loo siiyay in uu isdifaaco ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin eedaymahaasi, waxa aan Bosaso ku noolahay muddo gaareysa 20 sano weligey dhib cid uma geysan, Muqdisho dhakhtar ayaan u doontey waan xanuusadey, kadib markaan arkey Muqdisho fawadada ka taagan, waxaan tegay Kismaayo ilaahna waa igu daweeyay mudadii aan joogey waxaan ka dhisay Masjid, sidoo kale waxaan ka furey goob dadka lagu daweeyo oo tan Bosaso oo kale ah ee looyaqan Shifo (Goobo quraan akhris dadka lagu daweeyo).
Gudoomiyaha Maxkamadda Derajada kowaad ee Gobolka bari ayaa sheegay inaan wax markhaanti ah loo hayn denbiyada lagu soo oogey uuna yahay Shiikhu maanta laga bilaabo fasax, waxaana sacab xoogleh ku soo dhaweeyay arintaas shacabkii faraha badnaa ee goobta ku sugnaa.

Xeer ilaaliyaha ayaa rafcaan ka qaatey go’aankaas waxa uuna sheegay inta ay rafcaanka soo oogayaan in Shiikhu sii xirnaanayo oo aan la siideyneyn, waxaana haynaa caddeymo ayuu sheegay, kadib waxaa meesha ka bilowdey buuq & bulxan waxaana dadkii la hadley Gudoomiyaha Maxakamadda oo sheegay inaysan dadku dhib u arag rafcaanka uu qaatey xeer ilaaliyuhu ayna dhamaanayso arintan.

In badan oo shacabka kamid ah ayaan qabin in Shiikh Cismaan Maxkamad la soo taagayo ee laga gadan doono dawladda Itoobiya ama Maraykanka, taas oo meesha ka baxdey.
23kii Bishii Maarso ayaa koox ka socotey Hay’adda Sirdoonka Puntland, ka soo qabteen Shiikh Cismaan xaruntiisa oo ku taala Bosaso, kadib waxaa arintaas ka caroodey kooxo shacab ah kuwaas oo mudaaharaad rabshado wata ka dhigey Bosaso, waxaana ku nafwaayey sadex qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 ruux, waxaana bur bur loo geystey hanti.

Rabshadihii ka dhashey kacdoonka looga horyimi qabashada sheekha ayaa waxaa soo dhexgalay madaxda u sareysa, Dawladda Puntland, waxa ayna eeda dusha ka saareen dadka ku soo barakacay Puntland oo rabshadaha bilaabay waxa ayna balan qaadeen in ay wax ka qabanayaan arintan.

Xasan jamac warsame
Togaherer Bosaso

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: