Toggaherer’s Weblog

MAXAAD KA TAQAAN TAARIIKH NOLOLEEDKII PATRICE LAMUMBA QATBTII 2 AAD

Posted on: April 9, 2009

MAXAAD KA TAQAAN TAARIIKH NOLOLEEDKII PATRICE LAMUMBA QATBTII 2 AAD
Sida aynu qaybtii kowaad ku arkaynay, Patrice lamumba wuxuu ka mid noqday ururkii MNC isaga oo waliba ahaa ragii xubnaha muhiimka ah ka ahaa.(4/9/2009)

MAXAAD KA TAQAAN TAARIIKH NOLOLEEDKII PATRICE LAMUMBA QATBTII 2 AAD

Maxaad ka taqaan taariikh nololeedkii Patrice Lamumba?

Qaybtii 2aad

Sida aynu qaybtii kowaad ku arkaynay, Patrice lamumba wuxuu ka mid noqday ururkii MNC isaga oo waliba ahaa ragii xubnaha muhiimka ah ka ahaa. Ururka MNC wuxuu ka koobnaa aqoonyahano ka tirsanaa Catholic cirle schools ka. Wuxuu ahaa ururkii ugu horeeyey ee aan hab qabiil ku dhisnayn. Iyadoo dadka ree congo qabiil qabiil ula kala hadli jireen danahooga kolka ay noqoto arrimaha gala dawladaha gumaysiga.

1958 ka dib Patrice Lamuumba wuxuu noqday hogaamiyihii ururka MNC. MR Patrice Lamumba isaga oo hogaaminaya ururkii MNC isaga iyo dhig’giisii waxay soo bandhigeen oo ay ka qayb galeen kulankii shirkii All African People’s Conference ee ka dhacay Accra Ghana 1958 December. Shirkan oo uu qabanqaabiyey isla markaana macsuumay ninkii sida ba’an ugu lahaa soo jiidhashada dhinacyada dhaqdhaqaaqa siyaasadeed isla markaana ahaa madaxweynihii ama hogaamiyihii ururkii Pan African waa madaxweyne Kwame Nkrumah ee dalka Ghana. Shirkan wuxuu Patrice Lamumba aad iyo aad u adkeeyey isla markaana dareen culus ku garawsaday in uu xidhiidhka siyaasadeed, wada tashi iyo midawga africankaba uu aad u adkeeyo. Wuxuu xoojiyey aragtidiisii Pan Africanism ka ahayd. Xidhiidh adag ayuu halkaa kula yeeshay lamumbe Hogaankii PAN African ee Kwame Nkrumah oo ay saxiibtinimo gaara yeesheen waliba.

Haddaba, Dhamaadkii sanadkii 1959 ayaa Lamumba mar labaad la xidhay iyada oo lagu eedeeyey in uu ku dhawaaqay isla markaana aasaasay dhawaaqyo ku lid ah gumaystaha isla markaana in uu waday mudaharaado iyo kacdoono dalka ka bilawda oo lagaga soo hor jeedo gumaysiga. Waxa lagu xidhay Lamumba Stanleyville iyadoo gadooodkaa wakhtigaa ay ku dhinteen dad tiradoodu gaadhaysay 30 qof. Waxa lagu xukuma Lamumba 6 bilood oo xadhig ah. Hadaba bil nasiib Lamumba wakhtigii aY bilaabanasay muddada xadhigu ayaa ahayd 18 January 1960, ayaa noqotay oo ku beegantay iyadoo ay dawladii biljamka ee gumaysanaysay Congo in ay shir wareeg ah ku lahayd magaalo madaxda Brussells oo lagaga tashanayey dhamays-tirka aayaha mustaqbalka dalka Congo.

Iyadoo aanay waxba ka badalin ayaa hadaba Xisbigii MNC ay ku guulaysatay doorashdii December 1959 local election ka oo ay si aqlabiyad ah uga soo baxeen. Hadaba iyadoo gadoodkii shacabku ku taageeray MNC ee ay ku guulaysatay uu ahaa mid ka dhashay ururka dhismay iyo xadhiga Lamumba oo ay runtii dhalisay cadaadis badan oo saarmay wufuudii iyo gumaystihiiba ayaa waxay aqbaleen in ay soo daayaan Patrice Lamumba oo uu halkaa dabeeto kaga qayb galay shirkii ka dhacayey Brussels. 27 January 1960 Shirkii waxa lagu soo gabagabeeyey in Dalka Congo la siiyo xoriyadooda, isla markaana lagu cayimay in ay madaxbanaanida qaataan June 30 1960 maalinta Xoriyada dalka. Waxa isla shirkaa la wada qaatay in doorasho dalku galo 11 may ilaa 25 may 1960. Xisbigii MNC oo uu hogaaminayo Patrice Lamumba ayaa ku soo baxay doorashadii dalka iyagoo si rayn rayn iyo farxadi ku jirto ay dadkii ree Congo ugu codeeyeen. Xisbigii MNC waxay xaq u yeesheen inay dawlad dalka ka soo dhisaan isla markaana ku dhawaaqaan 23 June oo ay halkaa ku doorteen Joseph Kasa Vubu madaxweyne iyo Patrice Lamumba Madaxweyne-kuxigeen oo da’diisu ahayd 35 jir xilligaasi…………
lasoco qaybta 3 aad.
Diyaarintii. Fu’aad Ismaciil.


Qoraa :Fu’aad Ismaciil.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: