Toggaherer’s Weblog

MARKAB IYO 21 QOF OO MARAYKAN AH OO LA QAFAASHAY IYO WARAR KA SOO KORDHAYA ILAA HADA

Posted on: April 9, 2009

MARKAB IYO 21 QOF OO MARAYKAN AH OO LA QAFAASHAY IYO WARAR KA SOO KORDHAYA ILAA HADA

Garowe 08 April 2009 (THN)
Sida ay Wararka sheegayaan waxaa maanta Kooxo Burcad badeed ah ay Qafaasheen Markab Nooca Xamuulka kaas oo ay saarnaayeen kudhowaad 21 Qof oo ka mid ahaa Shaqaalaha .markabkaasi.

Markabkan La qabfaashay ayaa waxaa uu sidaa Xamuul aad u culus oo Gaareysa kudhowaad 17,000 Tan oo Kontenaro ah waxana Sida la xaqiijiyay Markabkan laga leeyahay Dalka Denmark, halka Shaqaalaha saran Badigooda ay yihiin kuwo u dhashay Dalka Mareykanka .

Markabka ayaa cunno gargaar ah u siday xeebta Mombasa ee dalka Kenya. Afhayeen u hadlay hay’adda Cunnada ee Qaramada Midoobay, Peter Smerdon ayaa sheegay in markabku siday 990 ton oo saliidda cunnada iyo in in ka badan 4 kun oo metric ton oo ah gallay shiidan.

Markabkan ayaa waxaa lagu magacaabaa Maersk Alabama waxaana la sheegayaa wararka cusub ee ka soo baxaaya Saraakiisha Difaaca ee Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in shaqaalihii saarnaa Markabkii Xamuulka ee maanta oo Arbaca ah burcad-badeeddu ku afduubeen biyaha Soomaaliya ay u suurogashay inay dib-ula wareegaan markabkaasi.

Saraakiisha ayaa sheegay in shaqaalaha markabkaasi ay qabteen mid ka mid ah burcad-badeeda sadex kale oo ka tirsan burcad-badeedu ay baxsadeen. Markabkan oo lagu magacaabo Maersk Alabama ayaa maanta goor hore lagu qabsaday meel 450 KM dhinaca koonfur Bari kaga toosan Degmada Eyl.

Dhacdadab ayaa noqday tii ugu horeeyay ee ay burcad-badeedda wax ka afduubta xeebaha Bariga Afrika ku qafaashaan markab ka diiwaan-gashan dalka Maraykanka.

Xasan jamac warsame
Togaherer Bosaso

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: