Toggaherer’s Weblog

FBI-DA MARAYKANKA OO BADHITAANO ADAG KU SAMAYSAY 3 XAWAALADOD OO SOMALI AH

Posted on: April 9, 2009

FBI-DA MARAYKANKA OO BADHITAANO ADAG KU SAMAYSAY 3 XAWAALADOD OO SOMALI AH

Hey’adda Sirdoonka Mareykanka ee loo yaqaan FBI-da ayaa baadhitaano bartilmaameed ah ku sameeyay saddex ka mid ah Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida leeyihiin oo ku yaala Gobolka Minisoto ee dalka Mareykanka.

Baadhitaanadan ayaa waxaa lagu sameeyey xawaaladaha ugu badan ay isticmaalaan Soomaalida ku nool dalka Mareykanka, si loo xaqiijiyo howlaha ay wadaan, sida ay qoreen walaakadaha wararka ee dalkaasi.

Afhayeen u hadlay mid ka mid ah shirkadahan ayaa waxaa uu sheegay, askar ka socota FBI-da in ay soo galeen xarunta, isla markaana baadhitaan ku sameeyeen Computer-ada iyo weliba waraaqadaha lagu diro lacagaha, iyagoo baadhayey goobaha ugu badan ee lacagaha loo diro iyo lacagta ugu badan ay dirtay xawaaladdaasi.

Sarkaal u hadlay FBI-da ayaa sheegay in ay ogolaansho u haystaan baadhitaanadan ku sameeyeen shirkadaha xawaaladaha ee Soomaalida, hayeeshee faah faahin dheeraad kama bixinin natiijada baadhitaanadooda.

Shirkadaha la baadhay waxay kala ahaayeen: Qaran Express, Olympic iyo Al-Mustaqbal.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: