Toggaherer’s Weblog

DADKA MAGANGALYO DOONKA AH EE SOMALIYEED OO KU BADANAYA JARMALKA. IYO HAB DHAQANKA DALKASI

Posted on: April 9, 2009

DADKA MAGANGALYO DOONKA AH EE SOMALIYEED OO KU BADANAYA JARMALKA. IYO HAB DHAQANKA DALKASI

Wiestbaden 09 April 2009 (THN)

Wadanka Deutschland oo ah wadamada ugu wawayn uguna dhaqaalaha badan qaarada yurub ayaan ahaan jiray wadamada aan qoxoontiga qaabilin
hadaba waayahan dambe waxa uu bilaabay in uu qoxoontiga somaalida qaabilo siday macluumaadku sheegayaana waxa uu yahay imika wadanka kobaad ee yurub ee qoxoontiga qaabila sharicigana dag dag usiiya.

Hadaba iyadoo ay sidaas tahay ayaa waxaa soo kordhaya waayahan dambe in wadanka HOLLAND diidmo ka muujiyo in uu qaabilo qoxoontiga somalida dad badan oo qoxoontinimo isakaga dhiibayna ilaa hadda aan la qaabilin ,
waxaa bishan gudeheeda somaali badani aad uga soo baxday HOLLAND iyaga oo JARMALKA iska dhiibaya halkaas oo ay kala kulmeen wadanka JARMALKA qaabilaad aad uwayn, waxa kale oo iyana iminka dadka magangalyo doonka ah si wanaagsan ula dhaqma wadamada Filand iyo Sweden oo iyagu jarmalka la mid ah, se waxa kaliya ee uu Jarmalku kaga duwan yahay wadamada kale waxa uu isxirtaam gaara u hayaa magangalyo doonta taas oo uu badiyaa ruuxa aad u sii dhiban ee faro dal kale leh uu mararka qaarkood ka saamaxo in uu ku celiyo dalkii faraha lahaa halka uu mararka qaarkood.

Dalkan Deutschland oo ah dal warshadeed oo walibana ah dal guun ah oo wada gumaystay badiyaa wadamada Yurub ayaa waxa uu ku caan baxay in uu leeyaahy warshadaha sameeya baabuurta (BMM,VW,Merchendes,Man,AODIO,iyo gawaadhi kale oo badan ) waxa kale oo uu sameeyaa oo uu ku caan san ayahay (Treemada oo noocyo badan ah , Doonyahay, Diyaaradaha, iyo waliba maraakiibta,), waana wadanka ugu horumarsan xada caafimaadka aduunka taas oo aad arkayso dadbadan oo ku soo qul qulaaya oo ka imayaaya qaradaha aduunka si ay isaga daweeyaan wadankan jarmalk , waxa uu leeyahay warshado dawooyinka sameeya oo aan la qiyaasi karin taas oo dawooyinkiisa lagu isticmaalo dalaka yurub,iyo caalka oo dhan , bari dhawayd mar aan booqday wadanka Norway waxan ku arkay cajaaibaad aad u badan oo ah wadan qani ah oo hadana aan lahay wax warshado ah waxan ku arkay Basaska aad racaysaa waa kuwii jarmalka tareemadu waa kuwii jarmalka dawa daad iibsataana waxaa ku qoron made in tyskland oo ah jamal.

Ugu dambayntii waxa uu jarmalku ka dambeeya ixtiraamaana laba ruux

1- Qofka shaqeeya ee is dabara taas oo uu ka helo cashuur una ixtiraamo sidii oo nin muwadin ah meel kasta oo uu tagana looga saro kaco.

2- Nin wax barta oo isna la mid ah ka shaqeeya taas oo uu kugu dhiiri galinaayo sidi aad u sii wadan lahayd wax barashadaada .

Waxaan meesha aan laga qadarin dadka u soo xadira caydha ee aan waxbana baran , waxa la yidhaa ama Socialhelfe taas oo wiig kasta oo ku waalo balamo iyo iskulkaa tag iyo meeshaad tag.

Guntii iyo gebogebadii waxan kula talin lahaa dhalin yarada ku dhaqan Duetschland in ay laba mid yeelaan in shaqaystaan oo ay faaideeyaan waqtiga iyo in ay wax bartaan taas oo anfacaysa naftiisa iyo ta cidii uu kaga yimid dalkii iyo waliba dalkan uu jooga iyo kuu ka yimidba.

{ Daahir / Shaami }

Germany

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: