Toggaherer’s Weblog

“SADEXDA XISBI WAA IS OGYIHIIN EE XOOGAA KURSI JACAYL AH AYAA KU JIRA SAXIBADAY” SULUB

Posted on: April 7, 2009

“SADEXDA XISBI WAA IS OGYIHIIN EE XOOGAA KURSI JACAYL AH AYAA KU JIRA SAXIBADAY” SULUB
Wasiirka Hawlaha Guudo iyo Guriyeynta Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa maanta waraysi ay bbc da qaybteeda afsomaligu la yeelatay ayaa waxa uu kaga waramay shirarkii maanta kala gaarka ahaa ee ka kala dhacay huteel Ambassador iyo xafiiska kulmiye iyo waliba waxa kale oo ka waramay rasaasti lagu riday shacbigii mudaaharaadaayey taas oo uu sheegay markii uu hogaanka sare ee xisbigu ku hanjabay arimo ay mid ahayd in ay rabshado samaynayaan ay dawladuna adkaysay amaanka dalka siiba amaanka caasimada Somaliland.

Waxaa uu sheegay wasiirku in ay Somaliland nabad tahay maanta oo aanay wax shaqaaqo ahi ka dhicin lana adkeeyey amaanta dalka siiba amaanka caasimada Somaliland oo ay adkeeyeey ciidamada police ka iyo wasarada amaanka
“ horta waxaan idiin sheegayaa in ay Somaliland nabad tahay intiina jecelay oo aanay wax dhib ahi ka dhicin gaar ahaan casimada ,maanta waxa kale oo aan anigu tagay xaflada ay soo qabanqaabisay jimciyada Sooyaal ee mujaahidiinta SNM oo ay 9:00 subaxnimo ku qabteen Huteelka Ambassador taas oo ay ku xusaayeen maalintii lagu dhawaaqay SNM ee lagaga dhawaaqay London 6 April 1981 oo ku beegan maanta taas oo lagu wada casuumay 3 xisbi qaran xukuumada iyo mujaahidiinta wixii ka hadhay ama iman karaysay marka xafladaasi si fiican ayey u dhacday “

“sidoo kale hadaan idinka waramo macnaha rasaasta lagu riday dadkii mudaharaadaayey iyada oo amaanka dalkaba la wada adkeeyey ayaa hadana amaanka caasimada la adkeeyey oo wasaarada amaanka iyo ciidanka police ku heegan ayey ahaayeen maalmahan heegankaa waxa kalifay in hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ay ku hanjabeen in ay gaysanayaan rabshado iyo shaqaaqooyin lixda April (06 April) oo shalayba Hudheelka Crown ayay kaga balan qaadeen media sida jaraidada iyo TV ga ayaanu ka daawanay marka iyada oo ay sidaa lagu heegan yahay ayaa ay iyagu qaadaceen xafladii u dhexda ahayn umada ama Somaliland ee Sooyaal, marka waxay yidhaahdeen xafiiskayaga ayaanu ku qabsanaynaa waanay ku qabasadeen oo looma diidin marka anigu xafladaas kale ayaan ka qayb galay isku mar ayey dhamaadeen kadib markii aan ka imidna askari boardgard kayga ah ayaa worktop kii uu ka maqalay cidamadii police ka oo isku leh kulmiye wuu soo dhaqaqay oo Ahmed Siilaanyo ayaa hor socda, hogaankoodii kale ayaa hor socda waxay u soo socdaan xagii laamiga oo waxay doonayaan in ay mudaaharaad rabshado wata dhigan marka police ka amarkiisana halkaa ayaan kala socday oo waxaa la yidhi is hor taaga waanay is hor tageen markii dambena Police kii waxay isku yidhaahdeen dhagxaan ayaan nalagu tuurayaa markaa waxaan malaynayaa in lagu amray in rasaas ay dul mariyaan si aanay dhagxaantaasina wax u yeelin una kala diran , rasaastaa dhacday ayaana amaanka sugtay oo dhalinayaradiina way ka baxeen meeshii hogaanki Ahmed Siilaanyona waxaa la geeyey gurigisii “

Suaal la waydiiyey wasiirka oo ahayd miyaa lagala xishoon waayey rasaasta gudoomiyaha oo ah nin u tartamaaya in uu noqdo madaxweynihii dalka oo waliba waqtigii doorashaduna tagan tahay in uu isagu khal khal abuuro hubna ma sito. Waxa uu wasiirku sheegay in ay ka hanjabeen xafladii shalay iyo qaar horeba dambiga police ku dadka ku qabtona waxaa ka mid ah in uu ku hanjabo rabshad ayaan samaynayaa iyo waxbaan dilayaa ama hubaan soo qadanayaa taa in kastoonoon goob joog ahayn hadan arintaa ka dhacday maanta hadana waxaan kala socoday uun worktop ka .

Tan mudaaharaadka waxa uu wasiirku yidhi “ mudaaharaadkani muu ahayn mid dawlada looga soo fasax qaatay waayo dalka waa dal dawalad leh sharci ayaanu leeyahay oo uu ku dhisan yahay markaa ma ahayd sharci, oo ogolaansho looga qatay wasaarada amaanka iyo police ka waxaanuu aha mudaaharad qayru sharci ah sidasaana la isu hor taagay “

Mar uu ka hadlaayay arimaha doorashada waxaanuu ku taamay in xukuumada uu ka tirsan yahay ay qabatay sadex doorasho taas iyo waliba in la diiwaan galiyo dadka taas oo ku yar wadamada Afrika , waxaanu sheegay in diiwaan galinta oo xiligii loogu tala galay ka badatay ay dib u riday in doorashadii la qabto , doorashooyinkii horena waxa uu sheegay wasiirku in madaxweynuhu isaga oo ku cusub xukunka oo badka digay oo uu yidhi kursigayga ha lagu tar tamo waanuu ku guulaystay waxaanuu sheegay maalintaa hore ee uu curdinka uu ahaa maamaada uu ku guulaystay hadeena rajo wanagsan ayuu leeyahay in u ku guulasyto , waxa kale oo uu sheegay in arinta server ka oo dadka la kala shaandhaynayo oo kuxidhan commssionka mooyee waxa kale oo jira ma jirto oo cudur daar ah waa siduu yidhiye.

Wasiika oo hadlaayey mudooyinka kolba loo kordhinayo in ay adkaanayso xaaladu oo iminka inti la kordhiyey ay kuba dhawdahay 2 sano ayaa waxa uu mar marsiyo ka dhigtay in ay barii hore Riyaale uu isagu cudsaday in doorasho la qabtoo xag u ka diiday kordhin taas oo uu wasiirku si badheedh ah uu u sheegay in ayna haba yaratee Riyaale iyo xukuumadiisu midna dalban mudo kordhinta se uu sheegay maalitaa hore caqabad aan hor taagnayn ayaa maanta hor taagan oo ah taas oo barlamankii hore soo saaray sharci laalaya doorashada mar hadii aanay jirin diiwaan galini markaa doorashadii hore wixii ka dambeeya ayaa la hir galiyey

“ Waad ogtihiin had iyo jeer cida had iyo jeer la yidhaa way ku shubanaysaa wa xukuumada ee la ilaaliyaa caalamku wuu naga caawiyey , qalab casri ah ayaa la soo iibiyey waxa kaliya ee naga hor taagani waa shuruucda jirta ee diiwaangalinta oo wali qabyo ah taladana waa lalana leeyahay oo deeq biyayaasha aya nala leh xaga marki hore aan ay ahayd biyo butuluqsi marka barigii hore wax na xadidaayey muu jirin dadkan sid khaldan aya wax loo galiyaa . anaga ka xukuumad ah aa iyo Ucid iyo kulmiuye waa isla ognahay laakiin in kursi jacayl ah oo jirta oo ka muuqata saxiibadadyo ayaamahan yarna xukuumada waxba ugma jabna oo intaanu diyaar garawno ayuunbaanu hawl gali lahayn oo kharash ayuunbaa nagu kordhaaya ee intaa kursi jacalka ah ayuunba jirtay , “

” xaga balan qaadka in ay doorasho dhacdo cida laga doonayaa aaminaada waa commisionka doorashooyinka anaga ka xukuumad ahaa waxa nagu xidhan haday tahay amaan sugid haday tahay kharash 29 Sebtember ayaanu diyaal la nahay oo kharash uunbaa nagu kordhaaya hadadana waa noo diyaar haday tahay miisaaniyadii doorashada haday tahay wax kasta oo la doonayo waxa nagu xidhanina ma jito dhinacayaga xukuuma 100% inta ka horaysa 29 september ama bilahan kaba soo horeeyaba way naga dhamaanaysaa”

Mubarik Yusuf
Togaherer Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: