Toggaherer’s Weblog

FOGH OO YIDHI INAANU RAALIGELINAYN CUDUR DAARNA SIINYEN MUSLIMIINTA

Posted on: April 7, 2009

FOGH OO YIDHI INAANU RAALIGELINAYN CUDUR DAARNA SIINYEN MUSLIMIINTA

Xoghayaha cusub ee isbahaysiga Naato Anders Fogh Rasmussen ayaa sheegay inaanu ku fekarayn in uu raali gelin ka baxsho sawir gacmeedyadii laga sameeyay Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee.

Ninkan oo hadda ka degay xilka raysalwasaaraha dalka Denmark ayaa maalinimadii Sabtida loo doortey in uu noqdo Xoghayaha isbahaysiga Naato, Wadanka Turkiga oo ah wadanka keliya ee Muslimka ah ee ku jira Xulafada Naato ayaa sheegay intaan ninkan la dooran in uu marka hore raali gelin ka baxsho waxa ay joornaalada wadankiisu ka daabaceen Nebi Muxamed Nabad iyo Naxariis dushiisa ha ahaatee, maanta oo Isniin ah ayuu tegay dalka Turkiga si uu isfaham ula yeesho dawladda Turkiga oo iyaddu ah wadanka labaad ee ugu ciidanka badan Xulafada Naato.

Ma i maqleysaan Denmark ma bixinayso raali gelin & cudurdaar, waxaan haysanaa xornimo meeshii u danbeysey ayuu yiri Ninkan loo magacaabey Xoghayaha Nato Mr.Fogh mar uu la hadlaayey saxaafadda dalka Turkiga maantey.

Saxaafadda Turkiga ayaa aad uga hadashey in ay qayb ka tahay wada hadalka uu u yimi dalka Turkiga in uu baxsho raali gelin si dawladda Turkigu ay u saxiixdo noqoshadiisa Xoghayaha Nato taas oo Turkigu aanu weli saxiixin.

Ninkan dusha saarsadey mas’uuliyadda waxa uu daabacay joornaalka Jyllands -Postens Anders Fogh ayaa ku yiri weriyaashii, idinkuba waa og tihiin in Raysalwaasare Denmark aanu raali gelin ka bixineyn waxa joornaaladu daabacaan.

Markii uu shirka saxaafadeed ku qabanaayey Magaalada Istanbul waxaa u duubney gacan, lugna waa uu ka dhutinaayey, mar la weydiiyay waxa ku dhacay waxa uu sheegay in uu jaranjaro ka soo dhacay hotelka uu deganaa bur burkaasna uu ka soo gaarey.

Dalka Turkiga ayaa ku cadaadinaaya Anders Fogh in uu raali gelin baxsho, waxaase muuqata in ninkaan uu haysto taageerada wadamada isku bahaystey Nato oo dhan marka laga reebo Turkiga,

Joornaalka lagu magacaabo Jyllands-Postens ayaa daabacay 12 sawir gacmeed oo ay ku sheegeen in uu yahay Nebi Muxamed magiciisana ku qoreen (NNKH) sanadku markuu ahaa 2005tii, arintan ayaa dhalisay caro weyn iyo kacdoon ay sameeyeen dunida muslinku, waxaa meelo badan oo dunada ah ka dhacay mudaaharaadyo arintan lagu canbaareynaayo, sidoo kal waxaa meelo badan uu dunada muslinka ah laga takooray alaabta ka timaada Denmark.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: