Toggaherer’s Weblog

DAWLADU HA KENTO TANASUL WADATASHI SE GUURTI BAA IIGU DHUFATAY WAAN SEXANAYA WALEE INAN LAGA YELAYN

Posted on: April 7, 2009

DAWLADU HA KENTO TANASUL WADATASHI SE GUURTI BAA IIGU DHUFATAY WAAN SEXANAYA WALEE INAN LAGA YELAYN

Gudoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ee Cadaalada Iyo Daryeelka UCID ayaa Sheegay mar uu ka hadlaayay Muddo Kordhinta Xukuumada in aanay Ogolayn Mudada Lixda Bilood ah ee Xukuumada loo kordhiya Waxaanu hadalkaa ka sheegay Madashii Xuska Aasaaskii Ururkii Xaq udirirka ee SNM .
Eng Faysal ayaa Yidhi
Muran kuma jiro inay SNM taariikh samaysay, Shaki kama jiro inay SNM baabi’isay quwaddii dawladaha Afrika ugu wayneyd gaar ahaan afrikada madaw.
Runtaan Idiin sheegayaa SNM umay dagaalamin inay Lixdan qof wasiir ah oo cashuurta cunaan dalkan SNM waxay u dagaalan tay inay dadkani Iskuul helaan, inay Caddaalad helaan, inay wanaag helaan oo ay shaqo helaan weeye Ma soconayso October oo 6 bilood idiin kordhin mayno, ninka ku riyoonaya lix bilood baa laguu kordhinayaayoow ma yeelayno. Waxa weeye wakhtigii wuu dhamaaday Komishankaana xaq u leh inuu muddada cayimi. Mid kalaan idiin sheegayaa Dawladdu waxay maanta waddaa qas, waxay leedahay dad baa xumaan wada, iyana way la waddaa baan leeyahay, xilkuna wuxuu saaran yahay dawladda.
Dawladda tidhi Hoteel laguma shiri karo, oo Waddo laguma shiri karo, oo Tog wajaale lama tagi karo oo haddaad tagto waanu ku toogan, markaa Ninka maanta isaga oo aanu sharciyaddiisa isku haysano ii diiday inaan soo eego dadka Biyuhu qaadeen hadhawto siduu iigu ogolaanayaan inaan kaambarayngareeyo, yeeli mayno ee dawladda halkaa soo dhiga, dawlad dhex-dhexaad ah ayaynu dhisanaynaa. Salaadiinta waxaanu jecelahay inaanu UCID ahaan arrinta meel dhexe keeno, Annaga nalaga maqli maayo dawladi ma jirto, Guurtida waxeedu waa sharcina nalaga maqli maayo, meel dhexe ayaanu isugu imanaynaa Guurtiduna xaq umalaha inay wakhtiga cayinto, salaadiinta waxaan u sheegayaa dawlad xaalaal ah oo noo illaalisa doorasho sidaanu u samaysan lahayn baanu ka tashanaynaa.
Laakiin in Annigana Tog-Wajaale laygu toogto iyaguna ay TV-ga iga caayaan taa Adeer ma yeelayo. Waxaan leeyahay ha keento dawladdu tanaasul, dawladdu ha ogolaato wadatashi, wixii ilmaha u dan ah ayaa umushana u dan ah, dalkani waxxa uu ku soo noolaaday wada tashi iyo isu tanaasul, laakiin Guurtibaa iigu dhuftay oo waan seexanayaa walee inaan lagaa yeelanaynin, May may la yeeli maayo waynu isu imanaynaa, wixii caddaalad ah ayaynu ku dhaqaaqi, lix bilood uma argon dantii dalka, uma aragno dantii Somaliland, waxa Somaliland lagu iibinayaa waa doorasho, haddaan doorashada dib u ridno waa layna illoobayaa., markaa waxa weeye inaynu doorasho degdeg ah galaa, wakhtiga Komishanku soo sheego ogolaanaa,oo aynu isugu nimadnaa. Dadkana halaga daayo hadalada dagaalka dalka ka ridi kara.” Nimanka halkan iman waayay waa in loo yeedhaa, maxay ku cadhoonayaan waa in lays waydiiyaa, haddii laysu joojin waayo waa waxa dhibaatada horsedaysa, halaysu joojiyo, halaysu tanaasulo oo haylaysku dulqaatay 31-ka May ayay nootagaan tahay haddii laakiin ay kumoshinku bedalayaan waanu ogolahay, hadalada dhibaatada keenayana halayska daayo, maanta dalkeena dad badan baa ka baxay oo isyidhi dagaal baa dhacaya, maanta dhibaatada ay inoo gaysteen hadday labada Xisbi ka naxayaan dalka way isu tanaasili lahaayeen, laakiin uma jeedaan dalka ee Kursiga ayay u jeedaan, Kursigana Illaahay ayaa bixiya, Sumxaana watacaalaa’e.”

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: