Toggaherer’s Weblog

DALKA HOLLAND OO SHARCI CUSUB KUSOO ROGAY SOMALIDA ISKA DHIIBTA DALKEEDA

Posted on: April 7, 2009

DALKA HOLLAND OO SHARCI CUSUB KUSOO ROGAY SOMALIDA ISKA DHIIBTA DALKEEDA

Wasaarada Cadaalada ee dalka Holland ayaa soo rogtay shuruuc cusub oo ku wajahan dadka Soomaalida ah ee dalkaasi iska dhiiba.

Warkan ayaa waxaa shaaciyey Wasiir kuxigeenada Wasaarada Cadaalada ee dalka Holland, haweenayda lagu magacaabo Nebahat Albayrak ayaa sheegtay in dowlada Holland ay joojineyso qaabilaadii Soomaalida sida gaarka ah loo siin jiray.

Nebahat Albayrak Wasiir kuxigeenka Cadaalada ee dalka Holland, ayaa sheegtay in dadka Soomaalida ah ee ka yimid bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ee baahida u qaba in loo gargaarayo ama la qaabili doono, balse ay dowlada Holland ay joojisay in dhamaan Soomaalida si guud loo wada qaabilo marka ay yimaadaan dalka Holland.

Wasiirada ayaa sheegtay in qof qof loo eegi doono dadka isa soo dhiiba ayadoo si gaar ah looga munaaqashoon doono hadii qofkaasi la qaabili karo iyo in kale.

Horey ayey dowlada Holland u dhaqan gelisay sharci u gaar ah Soomaalida, maadaama ay ka yimaadeen dal burbursan 19kii sano ee lasoo dhaafay, ayadoo dadka Soomaalida ee iska dhiiba dalka Holland, si toos ah u heli jireen fursad ah inay sii joogaan dalka Holland.

Hase yeeshee dowlada Holland ayaa sheegtay in Soomaalida ay si khaldan u isticmaaleen fursadahaasi lasiiyey, ayadoo sheegtay in Soomaalida ay sameeyaan musuq maasuq, iyo been sheegasho ay doonayaan inay ku jahwareeriyaan ama ku helaan xuquuqo dheeraad ah.

Waxay sheegtay in Soomaalida kasoo carartay dalalka kale ee Yurub isku dayaan inay been ka sheegaan meesha ay ka yimaadeen, ayagoo qaarkoodna Farahooda Xoqa si aan loo helin farihii looga qaaday dalalkii ay horey usoo mareen.

Arritan ayaa ah mid sharci daro ah ayey tiri Nebahat Albayrak oo sheegtay in Qaxootiga dalalka Kale ee Yurub horey usoo maray loo baahan yahay in lagu qaabilo dalalkaasi balse aan culeyska lasoo saarin dalka Holland, sida uu qorayo sharciga Midowga Yurub.

Nebahat Albayrak, Wasiir kuxigeenada Wasaarada Cadaalada ayaa sheegtay in Soomaalida ay la socdaan in lagu celin karo dalalkii ay ka yimaadeen ee Yurub, sidaa daraadeedna ay sameeyaan falal sharci daro ah sida xoqida Faraha, si aan loo arkin faraha horey loo qaaday, been sheegid goobaha ay soomareen iyo meesha ay ka yimaadeen iwm.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2008 ayey dad gaaraya 4000 oo Soomaali ah iska dhiibeen dalka Holland, taasi oo u dhiganta 30% tiradaa guud ee Qaxootiga sanadkaasi iska dhiibay dalka Holland.

Isla sanadkii lasoo dhaafay ee 2008 ayey in ka badan 3.600 oo Soomaali ah codsadeen in dad loo keeno dalka Holland, tiradaasi oo ah sare u kac dhan 75%.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: