Toggaherer’s Weblog

WARARKA CAALAMKA IYO WARQABADKA TOGA HERER

Posted on: April 6, 2009

WARARKA CAALAMKA IYO WARQABADKA TOGA HERER

MASAAJID SHIICADU LEEDAHAY OO LA QARXIYAY DALKA PAKSITAN

Qarax Ismiidaamin ah ayaa lala beegsaday Masaajid Shiicadu ku tukato Dalka Pakistan halkaas oo ay ku dhinteen 25 Qof oo ku Cibadaysanayay Masaajidkaas.

Qaraxan Ismiindaaminta ayaa ku begnayd Xili Salaad la galaayay oo in ka badan 1,000 qof ku ku tukanaysay Masaajidka.

Masaajidkan ayaa ku yaala Magalada Chakwal ee Gobolka Punjab.
Dadka Gobjoog ka ahaa Meesha ayaa sheegay Qof kii is Qarxiyay u ahaa Wiil dhalin yar oo xidhan dhar Madow.

Dadka meesha ku dhaacwamay ayaa la sheegaya in aay koru u dhafaan 60 kuwas oo qarkood ku jiraan xalid aad uu halis ah.

Ila hada ma jirto cid sheegatay Masuuliyada Qaraxan.

SAFARADA MARAYKNAKA EE DALKA NIGERIA OO KA DIGTAY WEERAR LAGU SOO QAADAYO

Safarada Maraykanka ee ku Taala Magaalada Lagos Caasmida Dalka Nigeria ayaa Sheegtay In aay heshay warar Sheegaya In Lala maaganyahay Weerar hubaysan.

Bayaan ka Soo baxay Safaarada Maraykanka ee dalka Nigeria ayaa sheegtay in Weerarkani ka iimanayo Kooxaha Mayal adag Kuwas oo ku Sugan qaybo kamid ah Wadanka.

Bayaanka ayaa Lagu Xusay Inay Jireen Hanjabaadyo mudooyinkii uGu Danbeeyay soo Gadhayay Safaarada Kuwaas Oo Sheegaya In la Weeraryo.

Xukumada Wadanka Nigeria ayaa ila imaka wax war ah oo kuu sabsan ariinta ka soo bixin

LABA SHAQAALO AJNABI AH OO LAGU AFDUUBTAY GOBOLKA DARFUR

Niman Hubaysan ayaa ku afdubatay Darfur labo Shaqaalo oo Ajnabi ah.Labadan Shaqaalo ee lagu afduubtay ayaa u kala dhashay wadanka Canada iyo France.

Nimanka afdubtay shaqlahaa ajnabiga ayaa Codsaday lacag Madax furasho sii aay uu si dayaan shaqalaaha.
Labadan Shaqaalo ayaa ka shaqayaa Haya’ad ka mid ah kuwa Gar gaarka caafimaadka ee gobolka Darfur.

Masuul sare oo ka hadlayay Wasarada Arimaha Dibada ee France ayaa sheegay in uu la xidhidhay Hay’ada iyo Maamulka Gobolka Darfur.

Afduubkan ayaa noqonaysa Afduubkii labaad ee loo gaysto Shaqaalaha reer Galbeedka ee ku sugan Darfur in ka yar Bil.

Haya’adan oo lagu magacaabo AMI ayaa sheegtay in ay ka howl galaysay Gobolkan ilaa 2004-tii.

DHUL GARIIR AAD U WEYN OO KA DHACAY DALKA TALYANIGA

Dhul Gariir aad u weyn oo qiyaastiisu ahayd 6.3 ayaa ka dhacay Magaalada L’Aquila ee Dalka Talyaniga.Dhul Gariirkan oo Cabirkisu ahaa 95 Kilo Mitir oo u dhiganta 60 mile.

Dawalada Talyaniga ayaa sheegtay in Dhul gariirkani kuu dhinteen 50 Qof.
Warbaahinta Dalka Talyaniga ayaa sheegaysay in u dhul gariirku burburiyay Dhismayal aad u fara badan .Dhul Gariirkan ayaa aad llaga dareemay Casimada dalka Talyaniga ee Roma.
Labo Dhul Gariir oo fudud ayaa ka dhacay maalintii Axada Gobolo ka mid ah Dalka Talyaniga lakiinse wax khasara maay dhiciin.

Hadaba Dhul gariirka ayaa dhif ku ah Dalka Talyaniga.

WarQabadka TogaHerer
Pakistan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: