Toggaherer’s Weblog

“UCID MA OGOLIN IN AY NA DHEX DHEXADISO OO WAA URUR TARTAN KU JIRA ” SIILAANYO

Posted on: April 6, 2009

“UCID MA OGOLIN IN AY NA DHEX DHEXADISO OO WAA URUR TARTAN KU JIRA ” SIILAANYO

Hargaysa 06 April 2009 (THN)
Maanta oo ay tahay 6 april ayaa waxaa ka dhacay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco banaan baxyo ujeedo badan ahaa oo taas oo lagu magacaabay xuskii aasaaskii SNM hadaba maanta oo dad taageerayaasha Kulmiye ah oo banana baxaayey ay lug ku mareen ilaa gurigii gudoomiyaha xisbiga kulmiye mudane Siilaanyo Iyo Xafiiska Ururka ayaa waxa uu kaga waramay sidii xaalku u dhacay maanta iyo in ay mabdoodii wax ka badaleen .

Mar uu u warmayay Saxaafada ayuu Muj Siilaanyo ku sheegay in maanta oo kale xus balaadhan loo samayn jiray oo loogu samayn jiray beerta xoriyada taas oo ay maanta dawladu ka baqatay dareenka shacbiga una samaysay in ay meelo badan xanibto
“Horta marka u horaysay waxay ahayd maanta xuskii maalintii asaaskii ururkii dalkan iyo dadkan Somaliland u soo halgamay ee soo gaadhsiiyey meeshaasi ee la odhan jiray SNM , waxaa dhaqan ahaa in meesha wayn ee beerta xoriyada si qiimaha iyo qayaha ay leeyihiin inti dalka u soo shihiiday iyo inta u naafawday qiimaha ay leeyihin in la siiyo,xus waynbaa loo samayn jiray beerta xoriyada aya logu samayn jiray sidaasaa dhaqan ahayd oo dadweynaha , dawlada , axsaabta qaranka oo la iskugu imanjiray oo maalintaa si wayn loo xusi jiray, maanta waxaa dhacday in dawladii ka baqday dareenka umada ama shacbiga bartaasi isug imanaaya taas oo ah talaabooyin ay ku doonayso in ay suuliso oo ay ka saarto tariikhihi SNM oo ay yidhaahdeen meel aan Hudheel ahayn laguma qaban karo kaas oo ay iyagu marti qaadka samaynayeen kadib anagu waanu diidnayn waxaanu nidhi halkaa banaan ee xafiiskayaga hortiisa ayanu ku qabsanaynaa taas ayaanu maanta noolaynayna oo aanu macno u yeelaynay”

“ marka waxa labaad oo aan sheegay oo aanu ka cadaynay ka xisbig kulmiye ahaan aniga iyo walaalahay iyo shacbiguba waxaanu halka ka shegnay in waqtigi dhamaaday oo aanaanu u arag rajiimkan kordhinta loo kordhiyey in ay sharci tahay waa rajiim waqtigiisi dhamaaday oo aanaanu u ictiraafsanayn in uu yahay madaxweynihii qaranka , waxa uu ku dayanayaa kaligii taliyayaal badan oo Africa ah marka taanu diidan nahayna waa taas , isla markaa waxaanuuu shacbiga u cadaynaynaa una cadaynay in aanaanu dagaal diyaar u ahayn waxaanu nahay dadkii dalka u soo halgamay diyaar uma nihin in uu dagaal ka dhaco se waxaanu doonaynaa in aanu dadka u cadayno in dawladan aan doorasho diyaar u ahayn ee dalkii iyo dalkiiba boobtay ee xuquuqal iinsaaanka ku tumatay anigu maanta u xalaalayn mayno sii joogitaankeeda waxa kale oo aanu cadaynaynaa wax alla wixii ka maslaxad ku jirto cidii ka gar naqaysa diyaar ayaanu u nahay “

Gudoomiyuhu waxa uu shegay in rasaas lagu furay oo ay ciidamada police ku ay rasaas ku fureen walaw aanuu ilaa hada ogayn cid ku wax yeelawday hadan waanu ka xunahay ayuu yidhi gudoomiyuhu .
Mar uu ka hadlaayey gudoomiyuhu dhex dhexaadinta uu xisbiga Ucid ku dhawaaqay waxa uu sheegay in ay dad badani la soo qaadeen arinta se aanay ka ogolayn xisbiga Ucid in uu dhex dhexaadiy kulmiye iyo Udub waxaanuu yidhi
“dee waxay ila tahay hadii cidi dhex dhexaadin galayso dad badani way nala soo qadeen arintaa dhex dhexaadina lakiin xisbiga Ucid dee isagu waa xisbi isagu dhex dhexada kuma jiro ee waa xisbi isaga laftiisu tar tan ku jiree mayee dhex dhexadin ay na dhex dhexadiyaan iskuma ogin raalina kama nihin mana ogolin “

Gudoomiye Siilaanyo ayaa waxa uuu sheegay in hadii ay commsionka doorashooyinku ay waqti dambe soo cayimaan in aanu ogolaanayno oo aanaanu marnaba diidayn lakiin se aanu ka soo hor jeedono ka guurtida waayo guurtida xaq uma laha in ay wax kordhiso ee waxaa xaq u leh arintaa doorashada commisionka doorashoyinka taas oo aanu doonayno in doorasho xor ah oo xalaal ahi ka dhacdo dalka taas oo uu shegay in doorashada xaalasha ahi tahay mid aan hantida qaran iyo cududa qaranka aan loo adeegsananayn mid aan ahayn in diyaar u yihiin in galaan.

Maxamed Muse
Togaherer Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: