Toggaherer’s Weblog

“NABADDA AYAA CAANA MACAAN ” CUQAASHA IYO SALAADIINTA BEESHA AWAL

Posted on: April 6, 2009

“NABADDA AYAA CAANA MACAAN ” CUQAASHA IYO SALAADIINTA BEESHA AWAL

Hargaysa 05 April 2009 (THN)
Kulan Balaadhan oo ay Maanta isugu yimaadeen Cuqaasha , odayaasha iyo Salaadiinta Beesha Subeer Awal ayaa Maanta Lagu Qabtay Huteel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Kulankaasi oo Lagaga Hadlayay Adkeynta Nabadgelyada laguna Tageerayay Go,aankii Golaha Guurtida ee JSL ayaa waxa Kulankaasi oo ay kasoo qaybgaleen Cuqaal Tiro badan , Odayaal, Waxgarad , Salaadiin iyo Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga Udub Cismaan Waxar iyo Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee Laanta Bristol UK Cumar Maxamed awcabdi (Cumar Dooli) iyo Dadweyne aad utiro badan .

Ugu Horeyn waxa halkaasi ka hadlay Caaqil C/raxmaan cumar (Xaraare) waxaanu u mahadnaqay Odayaasha Guurtida ee JSL isagoo sheegay inay tahay inaan marnaba laga soo Horjeedsan Go,aanka Distooriga ah ee Guurtida JSL waxanu sheegay inay Tageersanyihiin Nabadgelyada waxaanu intaa raaciyay inay kasoo horjeedaan Ciddii Go,aankaasi Guurtida kasoo horjeeda .
Waxaa intaa ka bacdi halkaasi ka hadlay Caaqil Cumar Maxamed Xuseen oo ka mid ah Cuqaasha Deegaanka Hargeysa waxa uu si guud uga hadlay Xaaladda Dalka waxaanu sheegay sida ay Muhiimka u tahay in la dhawro Nabadgelyada ahamiyada ay leedahay ee Rag iyo Dumarba waxaanu aad ugu Mahadnaqay odayaasha Guurtida ee JSL.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Caaqil Axmed Ibraahim Shuuriye waxaanu tilmaamay ahamiyada iyo waxtarka Adkaynta Nabadgelyada waxaanu intaa ku daray in Adkaynta Nabadgelyadu ay tahay Hawlaha ay Cuqaashu u xilsaaran yihiin waxaanu xusay inay tahay lama ilaawaan Dhibaatooyinkii aynu soo Marnay.

intaasi ka bacdi waxa halkaasi ka hadlay Suldaan Cismaan Cali Gaas Waxaanu ka

Waramay Dedaalka iyo Horumarka Xukuummadda ee dhinacyada Caafimaadka , arrimaha Dibadda ,,arrimaha gudaha iyo Gaashaandhiga waxaanu sheegay in Dastuurka qaranka ee JSL yahay Ku dhaqankiisu yahay Awooda ugu Saraysa ee Dalka JSL.

intaa ka bacdi waxa halkaasi ka hadlay Cabdilaahi Nuux Cigaal Waxaanu Yidhi “”Somaliland Maanta Qaangaadh ayay Noqotay ee Nabadeena aynu ilaashano” Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Udub ee Laanta Bristol UK Cumar Dooli waxaanu in Golaha Guurtida ee JSL yihiin Awooda ugu saraysa ee Dastuurku sheegay waxaanu sheegay in loo baahanyahay in Loo Hogaansamo Dastuurka Dalka nabadgelyadana la ilaaliyo .

Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland
email: mahamad95@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: