Toggaherer’s Weblog

KULMIYE OO XUSAY 6 APRIL IYO CIIDAMADA AMNIGA OO RASAAS KU KALA KAXEEYEY SOCOD UU MAAGANAA KULMIYE

Posted on: April 6, 2009

KULMIYE OO XUSAY 6 APRIL IYO CIIDAMADA AMNIGA OO RASAAS KU KALA KAXEEYEY SOCOD UU MAAGANAA KULMIYE

Hargeysa 06 April 2009 THN
Xaflad uu soo qaban qaabiyay XisbIGa Kulmiye looguna dabaal-degayey maalinta xuska Aasaaskii Jabhadii SNM ayaa ka dhacay Xarunta Xisbiga Kulmiye hortiisa iyada oo ay halkaa ka hadleen Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo ka soo sheekeeyey Taariikhda Jabahdii SNM .

Ka dib markii xafladu dhamaatay oo ay ku dhamaatay si nabadgelyo ah ayaa Hogaanka Xisbiga Kulmiye Gudoomiye Axmed Maxamud Siilanyo sheegay in uu lug ku tagayo dhinaca Aqalka uu degen yahay halkaas uu u soo lugeeyey,ayaa waxa dhacday in taageerayaal xisbiga Kulmiye ahi Soo raaceen Hogaankooda ,

Ciidamda Bilyska oo ilaa saaka Waabarigii ku sugnaa Soo jeedka Aqalka Xafiiska Kulmiye Iyo agagaarka Guriga Dhalinta ayaa isku dayay in ay kala kaxeeyaan Dadka la socda Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyaga oo ka cabsi qabay In uu isu bedelo Mudaharaad maadama oo ay Xisbiga

Kulmiye maalintii shalay Ku dhawaaqay in aanu aqoonsanay Xukuumada wixii ka danbeeya 6 April kuna baaqay mudaharaad Salmi ah la dhigo.
Ciidamada Booliska iyo Birmadka oo isha iyagu ku hayay Ayaa aakhirkii u adeegsaday

in ay ku kala kaxeeyaan taageeraaysha Xisbiga Kulmiye ee la socda Muj Siilanyo Rasaas iyaga oo ku furay rasaas ay kor u ridayeen taas oo aakhirkii kala kaxaysay Taageerayaashii Xisbiga Kulmiye ee la socday Hogaankooda .

Ilaa iyo hadda wax khasaare ah oo ka dhashay Rasaastaa iyo Kala kaxayntaa oo la sheegay ma jirto.

Maxamed Muuse
Togaherer
Haragaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: