Toggaherer’s Weblog

CIDII ISKU DAYDA INAY UMADA QIXISO WAXAAN UGU DHARANAYNAA IN AANAAN KA GACAN LANAYN

Posted on: April 6, 2009

CIDII ISKU DAYDA INAY UMADA QIXISO WAXAAN UGU DHARANAYNAA IN AANAAN KA GACAN LANAYN
Suldaan Maxamed Suldaan Abdiqaadir suldaanka beesha Cidagale ayaa ka hadlay xaalada dalku maraayo taas oo uu ku tilmaay dadka buuqa iyo rabshadaha wadaa in ay yihiiin dad doonaya in dagaal ka dhaco dalka jecelna in ay dunto dawldeena ay leenahay ee Somaliland
Suldaan maxamed Sul Cabdi qadir waxa uu ka sheegay hadaladiisaa waraysi uu siiyey caawa TV qaranka Somaliland , suldaanku waxa uu sheegay in beesha garxajis ay isugu tageen 11 beelood kale barigi

“ Waxaan siyaasiyiint Reer Somaliland leeyahay cida u taagan kursiga madaxtooyada wadanku xeer iyo dastur iyo shuruuc ayuu leeyahay shalayto intii aanu gaadhin go’aanka muddo kordhinta xisbi kastaa wuxuu lahaa waanu ku kalsoon nahay go’aanka ay gaadheen golaha guurtidu in haddana laga daba hadlo anigu waxaan u arkaa arrin fool xumo ah, waayo labadan hadal kee ayaanu rumaysanaa kii markii hore ay kalsoonida ay ku siinayeen iyo kan dambe ee hada ay ku daydafaynaysaan goaanka ay gaadheen, anagu laftigayagu qaranka Somaliland mar baanu ka fidmawnay beel ahaan 11 beelood oo Somaliland ah ayaa naga soo hor jeestay oo yidhi shuruucdii iyo dastuurkii intaba beeshaasi way ka baxday. Waakii sidii dagaalkii ku dhacay anaga weli tii uur xumadeedii nagamuu bixin.”

Isaga oo suldaanku ku taamaya arintii barigii 1994 ka dhacaday hargaysa ee ahaa dagaalkii sukeeyaha oo leh taas oo uu ku shegay cidii ka hor timada dasturka iyo sharciga Somaliland waanu eegaynaynaa oo sidii la nagu sameeyey ee ahayd isugu taga ayuunbaanu ku samaynaynaa waxa uu yidhi
“Saaka hadii ay taasoo oo kale ay timaadana oo la arko cid diidan shuruucda iyo dastuurka dalka u yaalla, anagu waanu sugaynaa uun , sidii anga la isugu keeyo tagay ayaanu ka filaynaa beelaha Somaliland beeshii ka baxda shuruucda dalka u taala, in aan laga aamusine’e tii nala mariyay tu ka daran la soo mariyo, anaguna waanu eegaynaa uun, cidi halkaa noo marta , waxaan leeyahay axsaabta waar umadan marba ciduun baa xukumi doonta shcabigaa Somaliland cidii ay doortaan uun ayuu guntii iyo goanka kama dambaystii uu noqonayaa ,Waxa filayaa nabad ku waynay xabad ku heli mayno, ummadan meel ay ka qaxdo iyo meel ay u qaxdo midna uma taal . Cidii isku dayda inay ummadda qixiso waxaan ugu dhaaranaynaa in aanaan ka gacan la’aanayn. Hadaanu nahay salaadiinta Somaliland codkayagu wuu ka midaysan yaahay wixii nabadgelyada khatar iyo khal khal ku keenaya waxaan leeyahay waxaad wanaag ku waydaan xumaan ku helimaysaan “

Suldan Maxamed suldaan Cabdi qaadir waxa uu uugu dambayntii hadaladii digniinta ah u jeediyey cida wada iminka hawlaha nabad gelyo darada dhalin kara waxanuu ugu baaqay in ay joojiyaan oo ay u hogaansamaan sharciga iyo goanka golaha guurtida.
Maxamed Muse

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: