Toggaherer’s Weblog

DAWLADA INGRIISKA OO LAGU EEDEEYAY INAY SI XUN ULA DHAQANTO MAXAABIISTA

Posted on: April 5, 2009

DAWLADA INGRIISKA OO LAGU EEDEEYAY INAY SI XUN ULA DHAQANTO MAXAABIISTA

Dalwlada dalka Ingiriiska ayaa lagu eedaynayaa in ay si xun ula dhaqanto maxaabiista u xidhan ee lagu tuhunsanyahay in ay yihiin argagixiso.

Waxaana eedaymahaas ugu danbeeyay mid ay soo saareen hay’adaha u dooda xuquuqda maxaabiista caalamka oo ku eedeeyay saraakiisha amaanka ee dalka Ingiriiska in ay jidh dileen 29 qof oo ku xidhan xabsiyada dalkaas.

Waxaana tusaale ahaan loosoo qaatay nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Morocco Fariid Hilaal kaas oo la xidhay wixii ka danbeeyay weerarkii 11 September 2001 markii weerarka lagu qaaday dalka Maraykanka.

Laamaha amaanka ee dalka Ingiriiska ayaa iska fogeeyay eedaymaha loosoo jeediyay, laakiinse waxa ay sheegeen in ay xogwaraysi la yeeshaan maxaabiista ay gacanta ku hayaan ee lagu tuhunsanyihiin in ay ka tirsan yihiin ururo argagixiso.

Dawlada ingiriiska ayaa sidoo kale lagu eedaynayaa in ay dad la tuhunsanyahay in u gudbiso dalalka dibada halkaas oo ay kala kulmaan ciqaab qaadata mudo dheer iyaga oo aan wax maxkamada lasoo taagin.

Dadkaas ayaa qaarkood waxaa loo gudbiyay xabsiga uu maraykanku ku leeyahay jasiirada Cuba ee Guwaantanamo, iyadoo qaarka kalena ay ku xidhanyihiin dalal ku yaala qaarada Yurub

Xafiiska Wararka ee TogaHerer Oslo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: