Toggaherer’s Weblog

NIN HUBAYSAN OO KU DILAY NEWYORK 13 RUUX

Posted on: April 4, 2009

NIN HUBAYSAN OO KU DILAY NEWYORK 13 RUUX

Nin Hubaysan ayaa Magaaladda New York ee Wadanka Mareykanka Toogasho ku dilay dad gaadheya 13-qof.

Dad Goobjoogeyaal waxay sheegeen inay arkayeen nin aad uu hubeysan oo galay dhismaha xarun Socdaal ah,waxaana ay maqleen wax yar ka dib Rasaas,iyadoo ay da’adiisa ay ku qiyaaseen 20-maadka.waxaana uu rasaata marki ugu horeysay ku furay Askari dhismaha ilaalinaayay iyo labo qof kale oo fadhiyey Xafiiska,intuusan uu gudbin Gudaha Xafisyadda Socdaalka.

Ninka Dilkan geystay waxaa Meydkiisa ugu danbeynti helay Ciidamadda Amaanka ee Magaaladda Newyork,waxayna ka heleen meel aan sidaas uga fogeyen dhismaha xarunta Socdaalka.

Ku dhowaad 40-qof ayaa waxaa la sheegay in ay ka baxsadeen dhismaha iyadoo 4-qof ay ku dhaawacmeen rasaasta uu furay.

Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Barack Obama oo iminka ku sugan Qaaradda Yuruub oo uu halkaas kaga qayb galaayo kulan ay isku yimaadeen wadamadda la isku yidhaahdo NATO mar uu ka hadalay arinkaan wuxuu sheegay in uu ka argagaxay Falkaani marki uu maqlay.

Ciidamadda Amaanka ee Magaaladda New York waxay iminka wada baadhitaano ku sabsan sidii ay wax uu dhaceen.

Tani ma ahaan marki ugu horeysay Qof hubeysan uu Toogasho ka geysto Wadanka Mareykanka, laakin Falalka Toogashooyinka waxey Wadanka Mareykanka ka noqdeen Dhacdooyin caadi ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: