Toggaherer’s Weblog

“FAYSAL A.W . WAXA UU YIDHI QIYAAMIHII MUU DHICIN HADII AY DOORASHO QABSOOMI WAYDO ” MR TALAABO

Posted on: April 4, 2009

“FAYSAL A.W . WAXA UU YIDHI QIYAAMIHII MUU DHICIN HADII AY DOORASHO QABSOOMI WAYDO ” MR TALAABO

Hargaysa 03 April 2009 (THN)

Wasiirku ku xigeenka wasaarada cadaalada Somaliland Mudane Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo) ayaa maanta saxaafada u sheegay in la qab qaban doono sharcigana lala tiigsan doono cidii sharciga iyø amaanka ka hor timaada , gaar ahan xisbiga kulmiye oo isagu sheegay in aanuu ku qanac sanayn goankii golaha guurtida ee loogu kordhiyey xukuumda mudane Daahir Riyaale Kaahin , aqoon sanayna dawlda wixii 6 abril ka dambeeya .

Hadaba wasiirku kuxigeenka oo maanta saxaafada u waranayey ayaa yidhi “ Anigu waxaan leeyahay wixii shariciyada ka hor yimaada amaanka wax u dhima sidaa aad hadeerba ku hanjabayseen ee aad leedihiin dawladi ma jirto , oo xitaa kuwaanu ka goosanay ayaan ka xishooda dawladi ma jirto iyana waxay leeyihiin dawladi ma jito oo wixii bisha 6 deeda ka dambeeya ma icraafsanin dawlda , madaxweynahana Jaale Daahir ayaanu odhan doonaa ,”

Mudane Talaabo oo ku hanjabay in ay sharciga la hor keeni doonaan lana xisaabtami doonaan hogaanka xisbigaasi ayaa waxa uu yidhi “waxaanaan idiin sheegayaa in aanu hogaanka ama (Qiyaadada) aanu kala xisabsamayno oo aanaanu waxba u sheeganayn shacbi la kiciyey oo wax loo sheegay waxaanuu sharcigu qabanayaa hogaanka ee maaha cida la adeegsanaayo”

Mar la waydiiyey ma afka dawlada ayaan ku halaysaa mise waa mid adiga uun kugu kooban waxa uu kaga jawaabay oo uu sheegay in ay tahay sida sharcigu sheegayo oo aanayn ahayn mid uu jeebadiisa kala yimid isaga taas oo uu yidhi taani waliba waa mid aan digniin ugu siinaayo aniga oo ku hadlayaa afikii wasaarada cadaalada oo aan wasiir ku xigeen u ahay waxa uu ydihi “ sida sharcigu sheegayo ayaan kula hadlaya aniga oo Yuusuf ah aniga oo wasiir ku xigeenkii cadaalada ah ayaan u hadlaya sharcigaanana ka tarjumayaa digniina waan ku siinayaa. Sharicu waxa taxdiir la yidhaa waa digniine oo gidaarada lagu dhajiyey Radio yadana laga sheego ayuu leeyahay , markaa marka ay saxaafada ka yidhaahdeen oo aanay dhagaha nooga duwin oo ay meel walba ka yidhaahdeen kalmadahaas ma waxbaa qarsoonba ”

Mar la yidhi adiga oo wasaaradii cadaalada ah miyaan laga wanaagsanayn waanu idin qab qabanaynaa iyo hanjabaada waxa uu u u jawaabay “ dee adeer intaad wax iga waydiisay ayuunbaa intan ahayd warbixintaydu way dheerayd oo tusaalayaan ayey lahayd oo tilmaamo ayay lahaydoo oo maalin bay lahaydoo maalinta ay ku beegmaysaa waa maalintii SNM ta ayey ahayd xagay ku shirtay SNM oo goaanka ku gaadhay xagay mandate ka idinku siisay , waxaanaan ku sheegay qodobo dhawr ah oo ay ka mid tahay in rag fulinta xisbigaas ah oo qoraal ka hayno oo ay saxaafada u sheegeen in hayadihii oo dhan la yidhi meesha tan dawladi jirimaysee iska taga oo waliba ay leeyihiin sharciyadi ma jirto , taas oo aan ku hal qabsaday oo marag iiga ah in ay wadeer inqilaab maldahan oo ah in ay yidhaahdaan yaan loo kordhin dawlada oo ay ba ku loolamaan dawlada yaan loo kordhin waayo distoorku sheegi mayo oo waxa uu sheegaya in gurtidu hadii ay doorasho qabsoomi waydo in loo kotdhiyo dawlada markaa maamulka haysaa taas oo ay guurtidu xaq iskaga leedahay in ay xaalada qiyaasto oo ay qiimayso waa hawleheeda gaarka ah waana aqalka u sareeya dalka “

Suaal laga waydiiyey maxaa yeelaysaan April 7 hadii ay doorasho dhici wayday waxa uu sheegay in ay iyaga laftoodu ay eegtaan uun dambi ilaaliyanaan amaanka iyo xuquuqda muwaadinka
“ gabigayagaba waxaa lanoo diray dambi oo hayadaha sharcigu dambi ayuunbay ilaaliyaan Somalilanda waxa ugu way nee ay ilaashataa waa xuquuqda dalka , muwaadinka iyo amiga guud inta ugu badan ee ay ilaalisaa waa intaas waxa kale waa xidhiidh caalami ah intii bana way wada taabteen waxa ay u hanjabayaana waa dawlda, dawladuna waa sharci golihii u sareeyey ayaa sharciyeeyey mudadana u kordhiyey iayga oo distoorka raacaya , markii horena waxaa diiday kulmiye tii wada hadalka ee commission ku soo saaray in la isugu yeedho xisbiyada laba xisbiga yaa is raacay ayey yidhadeeen oo iyaga ayaa ka kacay “

Waxaanuu wasiir Yuusuf Ciise Talaabo sheegay in aan wax wada hadal ah arintaas laga galayn “ wax wada hadal ah oo arintaas laga galayaa ma jirto lagama gali karo wax wada hadal ah oo waa ma dhacdo waayo sharciyey ayaa ka soo baxday oo golihii guurtida ayaa goaamiyey “
Mar wasiir kuxigeenka laga waydiiyey arintan oo ah laba mawqif oo ad adag waxa ay u horseedi karto shacbiga Somaliland waxa uu ku jawaabay wasiir kuxigen talabo in ay meesha dawlada ka yihiin shacabkuna ayaany doonayn nabad gelyo daro dalkuna u baahana yahay nin dhisa ee aanuuu baaynayn nin dumiya waxa uu ydihi
“ waar meesha anaga ayaa dawlda ka ah dawladiina waa anga shacbiguna way doorteen ee maanaanu khasbin Somaliland mid ayay sensitive ka tahay wax amaankeeda jabiya dalkuna uma baahna nin bur buriyee nin dhisa ayuu u baahn yahay”
Waxa uu Mudane Talaabo sheegay in caalamku yaqaan cida talada dalka haysa ayna og yihiin in qawaaniin iyo sharci iyo kala dambayni ay jirto markii la is lahaa xal ha la doono ee wada hadalku diyaarka ahaan aya diideen xisbiga kulmiye tan iminkana halka ay kulmiye ka buuqayaan uu faysal cali warabe yidhi qiyaamihii muu dhicin hadii ay muda kordhintu qabsoomi waydø waxaana hadaldiisi ka mid aha “inaadeer bulshada caalamku caruur maaha meel walbana cid ayaa u talisa qawaaniin bay leedahay qawaaniinteeda ayaa dadka lagu qaadaa waxna waa xal siyaasi ah oo waa marka waanwaan iyo arin dibadeed yahay xalkii dabadeedna waakuwii diiday oo waatay kii commission ka aanu ku wada hadlaynay Faysal oo gudoomiyihii ah oo yidhi qiyaame dhici mayo hadii mudadu ay qabsoomi waydo waanaanu ku hambalyeynaynaa anagu “.

Wasiir ku xigeenka ayaa waxa uu shegay in Fasal Cali Waraabe iyo xisbigiisu ay yihiin dad nabadeed taas oo ay saxeexeen arintii heshiiskii lagu dhex dhexaadinaayey xisbiyada markii hore halka ay diideen xisbiga kale ee mucaaradka ah ee kulmiye taas oo uu sheegay wasiirku in aritan goaanka ah ee guurtidu tahay arin aan la taaban Karin oo bir ma gaydo ah lakiin se aanu ka wada hadali karno wixii kale ee masaaliix ah waxanuu yidhi
“Labada xisbi ee kale way xaseeseen ee kulmiye ayuunbaa diiday khaligul jamaaca finaal haa wadar iyo waaxid iyamaa waala Waaxid aya waalan waxaanaan kuu sheegayaa dhex dhexadintaa la sheegayo ee la leeyaahy Ucid aya idin dhex dhexadinaysa maya waayo qaynuunka meel aanu ka dhaafno ayaan jirin waxa pass gareyey gole mudadii way goantahay tuurna ma xado waa bir magaydaan wixii kale aynu ka wada hadalno ee la leeyahay sidaa aynu yeelno iyo masaaliix ah ee cusub ee aanu awoodeeda leenahay ”

Maxamed Muuse
Togaherer Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: