Toggaherer’s Weblog

BUDHCAD BADEED SOMALI AH OO AFDUUBAY MARKAB KUWA DALXIISKA AH

Posted on: April 4, 2009

BUDHCAD BADEED SOMALI AH OO AFDUUBAY MARKAB KUWA DALXIISKA AH

Seychelles 03 April 2009 (THN)
Wararka kasoo baxaya Jasiirada Seychelles ayaa sheegaya in Markab laga leeyahay dalkaasi oo ah nooca Dalxiiska ay afduubeen burcad badeed Soomaali ah ayadoo la sheegay in markabkaasi kusii jeedo xeebaha Soomaaliya.

Markabkan oo lagu magacaabo Indian Ocean Explorer ayaa la sheegay inuu ku sugnaa nawaaxiga Jasiirada archipelago ee hoostagta Seychelles, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dalxiisayaal kasoo jeeda dalka Ingiriiska.

Markabkan ayaa siday koos 7 dalxiisayaal reer UK ah, kuwaasi oo la sheegay inay ka badbaadeen afduubkan intii ay ku maqnaayeen Quusitaan xaga bada ah xiligaa ay Burcad badeedu la wareegtay Markabkii bada dusheeda ku sugayey.

Burcad badeedan ayaa la qafaalatay dhamaan shaqaalihii Marabkaasi dul saarnaa oo dhamaantood ah dad kasoo jeeda jasiirada Seychelles.

Dalxiisayaasha ka badbaaday afduubkan ayaa gaadhay jasiirada Assumption Island, saacado kahor intii aan la afduubin.

Mr.Kirk Green oo ah madaxa shirkada Aquatours oo ah shirkada Maareysa barnaamijka Dalxiiska oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in Ciidamada Ingiriiska ay usoo gudbiyeen warbixin la xadhiidhta afduubka markabkaasi oo iminka la sheegay inuu kusii jeedo magaalada Xarardheere oo ka tirsan gobalka Mudug ee Puntland.

Warqabadka togaherer
Oslo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: