Toggaherer’s Weblog

ROOBAB LAXAAD LEH OO KHASAARE GAADHSIIYEY NAF IYO MAAL DEGMADA WAJAALE

Posted on: April 2, 2009

ROOBAB LAXAAD LEH OO KHASAARE GAADHSIIYEY NAF IYO MAAL DEGMADA WAJAALE

G/Gabiilay 01 April 2009 (THN)
Guud ahaanba waxaa dalka intii badan ka curtay raxmaadkii roobka ee ilaahay laga rajaynayay Degmada Togwajaale oo ah magaalo ganacsi oo aad u camiray ayaa waxaa la sheegayaa in ay laba qof ugu geeriyoodeen roobab aan kala go lahayn taas oo la kala odhan jiray labada maruxuu alle ha u naxariistee Maxamed Cismaan Odowaan , iyo Maxamed Aadan Careeye taas oo labadaa marxuun alleh ha u naxariistee lagu aasay degmadasi Togwajaale oo ka tirsan gobolka Gabiilay.

Sida togaherer loo xaqiijiyey ilaa 5000 oo neef ayuu khasaare soo gaadhsiiyey roobkaasi isla markaasna uu jaray dhawr buundo oo gaagaban oo ku yaala Degamada Wajaale waxa kale oo dad ku sugan halakaasi noo sheegen in ganacsatadii deganayn dhinaca toga ama xigtay dhinacaasi ay iminka ku hawlan yihiin sidii ay uga daad gurayn lahaayeen xoolahooda oo ay u gayn lahaayeen magaalda dhinaceeda kale ee xigta xaga banka.

Sidoo kale waxaa iyana degmada wajaale war nooga soo diray wariye madax banaad oo lagu magacaabo Ismail Abdi Muxumed( Hilqad) ayaa waxa uu soo sheegay in degmada Allaybaday oo ka tirsan Gobolka Gabiley ayaa labadii Maalmood ee ugu danbeeyay waxa si fiican uga curtay Roobabkii Xiliga Diraacda,kadib markii la soo maray abaar iyo jiilaal adag kaasi oo galaaftay xoolo badan iyada oo ay dad badani ka hayaameen abaartaasi, Curashada Roobabkan Diraacda ayaa kusoo beegmay xiligii caadiga ahaa balse Degmada Allaybaday oo leh Dhaamam waawayn oo biyuhu aanay ka dhamaanin gu’ iyo Jiilaal ayaa biyo yaraani kusoo fool lahayd biyo yaraantaasi oo ay sobobtay khasaare ay soo gaadhsiiyeen roobabkii labadii sano ee ugu danbeeyay dhaamamka ay Allaybaday Caanka ku tahay iyo roobabkii xiliga dayrta oo aan iyana si fiican uga di’in ayaa keenay in ay dhaamamkaasi qaar kamid ahi ay biyuhu ka dhamaadaan walow ay Allaybaday leedahay laba Riig oo si fiican u shaqeeya balse ay biyahoodu yihiin qaar dhanaan oo ayna dadku jeclayn cabitaankooda.
Roobabkan sidda fiican uga da’ay ayaa dhamaan wada buuxiyay Dhamamkii waawaynaa iyada oo uu soo rogmaday Togiina, Allaybaday waxa ay baryahan danbe caan ku noqotay khudaarta kala duwan sidda Tamaandha, Basasha, Barandha, xababka iyo khudaarta kale ee cuntada lagu darsado taasi oo maanta ay dadwaynaha Allaybaday ay ku dhaqaaqeen siddii ay u bilaabi lahaayeen waxsoosaarka xaga beeraha.

Maxamed Muuse
Togaherer Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: