RAJO LAGA MUUJIYEY IN DAWO LOO HELO DHEGO LA’AANTA
Posted April 2, 2009
on:RAJO LAGA MUUJIYEY IN DAWO LOO HELO DHEGO LA’AANTA
Daawo loo helo dhega la’aanta ayaa la sheegayaa in rajo laga qabo in lagu guuleysto kadib markii ey seynisyahanno Sheffield University soo bandhigeen baadhitaan ey ku sameeyey Unugyada asalka ah ee is tara(stem cell research).
Unugyada Asalka ah ee is-tara (stem cells) ayaa ah kuwa qabyo ah oo aan dhameystirneyn noqona kara xubin kasta oo kamid ah jidhka banii’aadamka ka hor inta eysan is roggin.
kuwan loo rogay xubnaha maqalka ee dhigaha dhexdooda ayaa waxaa la sheegay in laga farsameeyey xinjir dad ah aan noola ahayn( foetuses) kaasoo ahaa 11 asbuuc.
Cilmi baadhistan oo ey maalgelisay urur u dooda dhegoolayaasha dalka UK ayaa waxaa lagu sheegay in daawo laga farsameeyo ey ugu yaraan qaadan doonto toban sanadood iyagoo intaasi ku daray iney rajeynayaan in daawo cusub loo heli doono dhego la’aanta.
Horjoogaha baadhitaankan Dr Marcelo Rivolta ayaa yidhi ” Unugyada cusub ee aanu sameynay waxey noo sahlayaan inaan helno teknoolajiyo cusub oo aan ku gaadhsiino daawo xubnihii baa’bay ee dhegaha dhexdooda ah sida durbaanka maqalka”
Si kastaba ha ahaate , dhakhaatiirtan ayaa ka digay in ay waqti dheer oo 10 sano ugu yaraan ah ey qaadanayso daawo loo helo dhego la’aanta iyagoo sheegay inay haatan bilaabeen inay tijaabo ku sameeyaan maqalka xayawaanka.
Turjumadii iyo diyarintii:-Mubarik Y Muse ( Sir Mubarik)
Leave a Reply