Toggaherer’s Weblog

MAYDAD GAADHAYA ILAA BOQOL RUUX OO LAGA HELAY XEEBAHA LIIBIYA KA DIB MARKII DOONYAHOODI LA LAA MUDDO

Posted on: April 2, 2009

MAYDAD GAADHAYA ILAA BOQOL RUUX OO LAGA HELAY XEEBAHA LIIBIYA KA DIB MARKII DOONYAHOODI LA LAA MUDDO

Tripoli 02 April 2009 THN
In ka badan 100 Ruux Maydookoodii ayaa laga heley xeebaha wadanka Libya ka dib markii ay la dagtey dooni ay saarnaayeen oo ku sii jeedey wadanka Talyaaniga sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dawalada Libya.

Waxaa ka soo caaryey meel u dhaw Magaalada Dekada leh ee Sebrata uu ku taala galbeedka Caasimada Libya ee Tripoli 77 ka mid ah meydadka Muhajiriinta,waxaa sidoo kale laga heley meydadkooda in ka badan 23 Maalmihii Axada iyo Salaasadii la soo dhaafay.
Sida laga soo xigtey xukuumada wadanka Libya ayaa waxey sheegeen in ay jireen afar doonyood oo sidey dad Tahriibayaal ah, kuwaasi ka baxey todobaad gudihiis xeebaha wadanka Libya , iyadoo ay mid kamid ah doonyahaasi ay badbaadiyeen ciidamada Badda ee Libya kadib markii ay ciladi ka soo gaadhey dhinaca Matoorka maalinimadii Axada aheyd.
Doon kamid ah doonyihii ayaa waxaa lasheegeyaa iney gaadhey wadanka Talyaaniga halka ay mida kalena ay gaadhey jasiirada Malta
Si kastaba ha ahaatee Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha qaxootiga ee marka magaceed la soo gaabiyo loo yaqaan UNHCR, ayaa walwal iyo Murugo ka muujisay wararka sheegaya in la la’ yahay dad Muhaajiriin ah, waxaana afhayeen u hadlay Hay’ada UNHCR sheegay in ay soo baxayaan mar kale dhibaatada khatarta ah ee ay kala kulmayaan badda.
Mudooyinkii ugu danbeeyey ayaa waxaa ku sii badanayey wadanka Libiya, dad isugu jira haween,Caruur iyo dhalinyaro Soomaali ah oo iyagu naftooda ku biimeeya biyaha u dhaxeeya Libiya iyo Talyaaniga

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: