Toggaherer’s Weblog

SHEEKH AWEYS OO LA XAQIIJIYEY IN UU JOOGO KHARDUUM MARKII MUDDO LA ISLA DHEX MARAYAY

Posted on: April 1, 2009

SHEEKH AWEYS OO LA XAQIIJIYEY IN UU JOOGO KHARDUUM MARKII MUDDO LA ISLA DHEX MARAYAY

Kuxigeenka Safiirka Sudan u Fadhiya dalka Soomaaliya ayaa VOA u xaqiijiyay in Gudoomiyaha Isbahaysiga Dibuxoreynta Garabka Asmara Sheekh Xassan Dahir Aweys uu haatan ku sugan yahay Magaalada Khartuun, Sudan.

Kuxigeenka Safiirka oo lagu magacaabo Saayir Al-Shariif ayaa sheegay in dowlada Sudan ay u suuro gashay inay ka dhaadhiciso Sheekh Xassan Daahir Aweys inuu yiimaado dalkeeda si ay wadahadalo ugu furto isaga iyo dowlada Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Saayir wuxuu xusay in dadaalkan wadahadalada ay sidoo kale la socdaan dowlada Eritrea oo iyadu ahayd goobtii uu in muddo ahba ku sugnaa Sheekh Xassan Daahir Aweys.

Gudoomiyaha Isbahaysiga garabka Asmara ayaa haatan ku sugan magaalada Khartuun, iyadoo aan la ogeyn inuu la kulmi doono Madaxweyne Shariif iyo in kale, balse wararka qaarkood ayaa sheegaya in Sheekh Xassan Daahir uu ka ogolaaday xukuumada Sudan inay dhexdhexaadin ka dhexbilaabaan labada Dhinac. Wararka sidoo kale la helayo ayaa sheegayo in Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed uu isagu helay martiqaad uu ka helay dowlada Sudan waxaana lagu wadaa inuu gaaro Khartuun.

source:voa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

April 2009
S S M T W T F
« Mar   May »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
%d bloggers like this: