Toggaherer’s Weblog

“CALIYAW HARGAYSA BADHASAAB AYAAD KA TAHAY EE SAXAAFADA DAA WALAAL ” CUKUSE

Posted on: March 30, 2009

“CALIYAW HARGAYSA BADHASAAB AYAAD KA TAHAY EE SAXAAFADA DAA WALAAL ” CUKUSE

Hargaysa 29 March 2009 (THN)

Gudoomiyaha saxaafada madaxa banan ee USJ Cabdilaahi Maxamed Daahir
(Cukuse) ayaa maanta Canbaareeyey xadhigii wariye Ahmed Saleebaan
Dhuxul taas oo uu ku tilmaamay in ay ahayd mid sharci daro ah sidaa
waxa uu ka sheegay Mr Cukuse mar uu maanta u waramaayey saxaafada .

“Waxaan doonayaa in aan maanta halkan ka sheego oo dawlada iyo dadkaba
ku war galino xadhiga xaqdarada ah ee lagula kacay Dhuxul oo ka mid
ahaa wariyayaasha idaacada Radio Horyaal mana ah markii u horaysay ee
xadhig noocan oo kale ah lagula kaco Dhuxul ama mid la mid ah waxaanaad
moodaa in dalkeenu ka sii guurayo nidaamkii iyo hanaankii laguwada
dhaqnaa ee suxufiga xaq u siinayey in uu wariye noqdo in shaqadiisa
lagu ixtiraamo in mihnadiisa lagu ixtiraamo in shaqadiisu ku dhisnaato
edeb iyo ixtiraam oo uu xaqna u leeyahay in uu wararka ka helo il
wareed kasta iyo meel kasta oo uu war ka jiroba”.

Gudoomiye Cukuse eed dhakada uga tuuray Badhasaabka Gobolka Hargaysa
mudane Cali Asad sheegayna in ninkaas wariyaha ahaa si gaara loo
eeganaayey oo askarigii xidhay uu ku socday tilmaan ka dib markii
wariyayaashii la socdayna la sii wada daayey isagana dug lagu yidhi

“Maalintii shirkii guurtida ee loogu kordhiyey madaxweynaha iyo ku
xigenkiisa dabcan saxaafadu way wada timid Dhuxulna waxa uu aha
wariyayaashii halkaasi yimid askari aad moodaysay in si gaar ah loogu
balamiyey ayaa Dhuxul iyo nin wariya ah oo kale ayaa wariyayaashii kale
oo dhana sii daayey isagana laabta qabtay sababta maanu garanayn
saxaafadii markii aau waraysanayna waxaanu u qadanay in cuqdad shakhsi
ah lagu xidhay ninkaasi oo uu ka qabo sarkaal ka mid ah saraakiisha
xidh xidhay kuu doonoba ha ahaadee, anagu badhasaabka waxaanu leenahay
Cali Asad , Caliyaw saxaafada daa , Caliyaw saxaafadu caasimada
Hargaysa ayey joogtaa adna caasimada ayaad badhasaab ka tahay Calyaw
walaal saxaafada daa dimuquraadiyadana daa xukuumada sida ad adag ee
qal qalafsan ee aad ugu hiiliso waxba kama qabno lakiin saxaafadu
iskama xejiso , saxaafadu waa wax qurux badan waxyalaha quruxda badnina
adadayga way ku jajabane kadaa walaal anagu ma jeclin Caliyaw in
warkaagu dib u dhaco walaal dhuxulna daa oo si gaara Policeka ha ugu
balamine iska daa walaal. Hadii aad walaal idaacada Horayaal aad la col
tahayna walaal idaacad dhan la coloobi karimayside iskadaa xukuumadu
kulama qabtee”

Warqabdka togaherer
Magalo madaxda Somaliland ee Toggaherer

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: