Toggaherer’s Weblog

“XAQ UMA LAHA GUURTIDU IN AY QABATO MUDADA DOORASAHDA CID KALE AYEY XILKEEDA TAHAY ” MUJ SIILAANYO

Posted on: March 29, 2009

“XAQ UMA LAHA GUURTIDU IN AY QABATO MUDADA DOORASAHDA CID KALE AYEY XILKEEDA TAHAY ” MUJ SIILAANYO

Hargaysa 28 March 2009 (THN)

Kadib markii ay goaamiyeen guurtidu in mudada loo kordhiyo madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo ku xigeenkiisa Axmed yuusuf Yaasiin in ay xilka sii yahaa ilaa 29 0ctober e sanadakan taas oo ay goluhu cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen goaankaas iyada oo ay sabab uga dhigeen duruufo abaareed iyo kulay jira oo aan meelo badan laga codayn karayn waxa kale oo iyana aan ka raali ahayn xisbiyada mucaaradku ayaa gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Siiraanyo uu ka war bixyey sida uu u arko iyo waxa uu ka qabo arintani taas oo uu ku tilmaamay mid aanay guurtidu awood u lahayn ee ay awooda iska leeyihin commisionka doorashooyinku sidaa waxa uu ka yidhi waraysi uu siiyey saxafada caawa .

Waxaan u arkaa goaanka goaan ayaan daro ah waa goan guurtida ah dabcan lakiin waxaan u arkaa in uu ku yahay gabal dhac u dhacay geedi socodkii Dimuqraadiyada Somaliland oo wax yeelo aan laga soo waaqadan u gaysanaya hurumarkii iyo dimuqraadiyadii dalka kuna bilaabay jidkii kaligi talisnimada iyo xoriyada laanta oo horseeay ayan u arkaa in uu yahay aad iyo aadna waan uga xumahay waase goan sidaa u dhacay ”

”Mida labaad waxa iyadu yaabka lihi weeyaan golaha guurtidu waxa uu u xil saaran yaahay in uu kordhiyo ama aanuu kordhin isaga oo sababo uga dhigaaya hadii ay dalka ka jirto nabad gelyo daro oo waqtiga doorashadu dhacayso nabad gleyo daro ka jirto waliba nabad galyo daro ah in aan doorasho qabsoomi karayn dalka Somaliland mar walba waxa uu ku faanayey in uu xoriyada iyo xasilooni iyo denaanshiiyo haysto markaa sababta qodobkaa loo cuskaday waa waxaan soora galayn oo aan sharciyada iyo distoorka ku jirin ee ka gudubsan weeye ”

”Mida sadexaad commisionka doorashooyinka ayaa xaq u leh in ay waqtiga qabtaan commisionka doorashooyinku iyagu waqti ayey soo qabteen waqtigii ay soo qabteen laftigiisiina way ka gudbeen , waxana dhab ah oo biyo kama dhibcaan ah in ay dawladu awoodo badan isticmaalaysay awoodo dhaqaale ayey isticmalaysay iyo mid afeed iyo awoodo kale oo ka baxsan kuwii loogu talo galay sida waad ogatahay oo dad badan oo saxafiyiin ah ayaa la iska xidhay oo uu ka mid yahay wariye (Dhuxul) waxa kale oo ka mid ah (Liibaan ) markii ugu horaysay ee sidaa saxafiyiin la iskaga xidhona maaha taasna waxaan u arkaa in ay tahay muur muurtan nabad gelyada wax lagu yeelayo waxan u arkaa cabudhin oo xisbiga kulmiye sidii waligeedba lagula kicijiray lagu cabidhinaayo oo lagu samaynaayo tageerayaashoosha , waxa kale oo aanu u aragnaa ilaa min miyi ilaa magaalo in cabudhis lagu hayo oo ay marayso jidkii kaligii talisnimada taasna aad ayaan uga xumahay ”
” Marka ugu horaysan guurtidu iyadu shuqul kuma laha shaqadeedana maaha in ay qabato waqtiga doorashadu dhacayso , arintaa haday donayaan in ay ku ceshaan waxay ahayd in ay ku ceshaan Comisionka oo ay yidhaahdaan waqti munaasab ah qabta oo soo jeediya .

Xaqna uma laha guurtida in ay qabato mudada doorashada cid kale ay xilkeeda tahay marwalana waanu cadaynaynay shirciguna waa qeexayaa waqtiga doorasha qabashadeeda ee time write waqtiga la yidhaa waxaa leh o sharciyan iska leh gudida doorashoonyinak qaranka ee maaha in ay guurtida iyada mudada qabto arimaha kaloo dhana sharcigu si qudha ayuunbuu ogolyahay in loo kordhiyo waxa weeye nabad gelyo daro ka taagan maalinta doorashadu dhacayso oo la soo jediyo tina wax kasta ha ahaatee wax la soo dhaafay weeye maanta doorasho la leeyahay nabad gelyo daro ayaa ka jirtana oo taalana oo ay tilmaamayaana ma jirto wax arin ah oo laga waydiiyey xisbiyadii mucaaradkan ama la tashi ahina ma jirto markaa waxaan aamin sanahay oo aad u cad in maanta geedi socodkii dimuquraadiyada Somaliland meel wayn lagaga dhacay in ay dhaawac wayn ku keenayso dadnimadii iyo horumarkii dalku ku talaabsanaayey ee ay umadeenu hawaysanaysay ee hiyaga wayn ay ku hayay in maanta dhawac wayni soo gaadhay ayaan u arkaaa”

”Anagu xal maanta ka hadli mayno oo Reaction kayga ugu horeeya kaa weeyey xibi ahaana talo isumaanu iman oo arintuba maantay ayay ahayd wixi talo ah xisbi ahaan waanu iskugu iman doonaa wanan ka tashan doonaa umadoo dhana way u taalaaa lakiin goaan ayaa dhacay goaanka dhacayna re action ka aya noola muuqataa waa sidaas”
Mar uu ka hadlayey commisionka iyo in ay arintan ka mid ahayeen waxa uu yidhi anigu ma aamin sani in comisionku arinta wax ka ogayahay shaqadiisiina waa qabsaday shaqo wanaagsanina way naga dhaxaysaa .

Iyada oo uu gudoomiyuhu ku cel celiyey in ay tahay goaan , sidaad ogtihiin goaan la gadhay oo golihii ugu sareyey dalku gaadhay uu yahay dibna waan wax laga odhan karayn ayaa waxaa la sugayaa waxa ka soo bixi doona xisbiga mucaaradka ah ee kulmiye maadaam uu sheegay in ay talo isugu noqonayaan taas oo aan noqon doonin mid aad u sii buuran oo bas kali ah noqon doonta dhaleeceen iyo warbaahinta oo la iska weeraro-

Warqabdka togaherer
Magalo madaxda Somaliland ee Toggaherer

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: