Toggaherer’s Weblog

SUXUFIYIIN SOMALILAND AH OO LOO OGOLAADAY XUBINIMADA (SECURITY SECTOR REFORMKA)

Posted on: March 29, 2009

SUXUFIYIIN SOMALILAND AH OO LOO OGOLAADAY XUBINIMADA (SECURITY SECTOR REFORMKA)
Suxifiyiin Ka Socday JSL oo loo ogolaadey Xubinimada {Security Sector Refomka} oo kaliya kaliya loo ogloyahay Dalalka Xubnaha ka Ah Urur Goboleedka IGAD.

Gudoomiyaha Dallada Suxifiyiinta Qaarada Africa oo dhowaan loo doortey suxufiyad Reer Somaliland ah Ms. Moha Dahir Farah Jire iyo Suxufi ka trisan Madaxda Sarsare ee wargeyska Geeska Africa Weriye Mohamed Husien Jama (Rambo) oo maalmihii ugu danbeeyey todobaadka ku sugnaa Xarunta Dalka Ethiopia ee Addiss Ababa,
Kana qayb galay shir saxaafada Qaarada Africa, gaar ahaan dalalkii uu Ingiriisku gumeystey loogu tababaryay Hanaanka Nabada ,Amniga, Iyo Dimoqraadiyada horumarinteeda doorka ay saxaafadu ku leedahay, oo uu soo qaban qaabiyay Urur Dowlada Jermalka Madaxweynaheedii ugu horeeyey ee la doortey uu asaasey 1925kii {FES} waxa darusta tababarka iyo Lecturada bixinayay Masuuliyiin ka trisan Qaybta Amniga ee Midowga Africa oo uu hormood ka yahay Xoghayaha Guud ee Golaha Amniga iyo nabada AUda Mr. Mabotho, Professoro ka trisan Jamacadaha koonfur Africa,Rwanda, Safiirada AFrican Unionka u Qaabilsan Dowladaha amniga badan ku caanomaalay wakhtiga dheer iyo diplomasiyiin Caalami ah , waxa shirkan Gebo gabadiisii soo Afmeeray Wasiirka Isgaadhsiinta e Ethiopia Mr. Berakat,ahna masuuliyiinta ugu dhowdhow dhinaca Talada Raiisal wasaaraha Ethiopia.

Wasiirka xidhitaankiisa ka hor waxay suxifiyiintu su aalo ku hirgiseen masuuliyiinta Casharada bixinaysay, Suxufiyiinta somaliland waxay si khaas ah wax uga weydinayeen masuuliyiinta Arinta Madaxbanaanida Somaliland iyo Aqoonsiga jiritaankeeda, Masuuliyiintu waxay si weyn u soo dhaweeyeen Somaliland iyo Arinteeda, iyagoo tilmaamayay tusaalena ka dhiganayay Amniga iyo Nabada ka hanaqaadey Somaliland iadoon Kaalmo Caalami ah haysanin, Dadku aqoonbadan lahayn khaasatan Suxufiyiinta oo aan ka fiirsanin khalkhal galinta Amniga iyo wax udhimista Qaranimadeeda wakhtiyada qaarkood.
Gebogabadii Gudomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaarada Africa Weriye Moha D.Farah Jire oo ka socotey Somaliland kuna hadlaysey guud ahaanba Afka Saxaafada ayaa sheegtey in ay lagama maarmaan tahay wacyigalinta iyo kahortaga dagaalada siyaasadeed ee sokeeye ee saameeya dalal badan oo African ah waxayna ka codsatey in tababaro joogto ah la siiyo Warfidiyeenada si ay kaalin wanaagsan oo wax ku ool ah uga geystaan horumarka Qaarada Africa ee haatan bilowga ah.Waxay sheegtey in Warbaahinta aan lagu tixgalin awooda ay ku yeelankarto Amniga iyo Khalkhalka amni daro ee saamayn kara dadka aan ku lugta lahyn Siyaasada ee Haweenka iyo Maatida u badan.
Waxayna sheegtey inay Caqabad tahay aan laga laaban karin in Warbaahinta la duudsiiyo badiba xaqa ixtiraamka ay ku leeyahin masuliyiinta go’aamada ka ma badanbeysta ah jaangoynaysa, sida Midowga Africa, Urur GOboleedka Igad, Golaha waxka badalka Amniga,{Security Sector Reform} Hayadaha siyaasada ee caalamiga ah iyo golayaasha la halmaala.

Waxay u ahayd guul Qaran in markii ugu horeysey ey isku diiwaan galiyaan Magaca dalalkooda Warfidiyeenadii ka socdey somaliland kana mid noqdaan SEcurity Sector Reform ka Africa oo kaliya lagu diiwaangaliyo xubinimada Qofka dalalka ka mid ka ah Urur Goboleedka IGAD.
Masuuliyiinta iyo Diplomasiyiinta Shirka lectureda ka jeedinaysay ayaa badiba u muuqdey inay somaliland ka dheragsanyahiin arinteeda, tixgalin badana siinayay Madaxweynaha oo ay ku tilmaameen inuu yahay Madaxweyne si degan uga taliya dhowrana Xasiloonida Gobolka guud ahaanba iyadon weli beesha caalamku siin Aqoonsi Caalami ah, si diploomasiyadeedna uga howlgala sidii uu Caalamka uga kasbanlahaa Sampathy si loo siiyo Aqoonsiga , waxaanu u aragnaa ayay badibada masuuliyiintani lahaayeen in Arinta madaxbanaanida somaliland tahay wakhti fiiro gaar ah la siiyo , iyada oo la la barbardhigayay xaalada Cakiran ee Qaarada iyo dalalka la aqoonsanyahay ka jirta. Weriye Rambo ayaaMasuuliyiinta su’aalo la halmaala rejada Midowga Africa iyo taagerida qadiyada Somaliland si caadifiyad Muwaadinomo ah ugu darandooriyay, taasi oo saxaafadii kale ee Africa ka socotey xitaa ay u fahmeen in somaliland laga duudsiiyay xuquuqdii qaranimo ee ay xaqa ulahayd. Masuuliyiinta iyo Diplomasiyiinta qaar ayaa casharadoodii ku bixiyay Somaliland iyo Wakhtigii Nabadeynta, xiligan halganka Qadiyad doon ee masuuliyeenteeda, iyo shicibkeeduba ku howlanyahiin, iyagoo sheegey in Wasiirka Arimaha Dibada badidoodu ku kulmeen Wadamo African ah isagoo ku doodaya Arinta Aqoonsiga kuna howlan ka dhaadhicinta Beesha Caalamka waxay Aqoonsi la’aan Dowlad iyo shiciba qabsadeen.
Shirkaasi wuxuu kusoo gabo gaboobey Hotel Yoli ee Adissababa Ethiopia

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: