Toggaherer’s Weblog

SI LOOGA BAXO JAAHWAREERKAN SIYAASADEED EE TAAGAN WAA IN SADEXDA GUDOOMIYE SHIR DEG DEH AH ISUGU..

Posted on: March 29, 2009

SI LOOGA BAXO JAAHWAREERKAN SIYAASADEED EE TAAGAN WAA IN SADEXDA GUDOOMIYE SHIR DEG DEH AH ISUGU..

Hargaysa 29 March 2009 (THN)
Xisbiga qaran ee Ucid ayaa manta kaga dhawaaqay mawqifkiisa ku aadan goankii ay shalay ku dhawaqen golaha guurtida Somaliland kaas oo ahaa mudo kordhin loogu kordhinaayo madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin Iyo Kuxigeenkiisa Ahmed Y.Yaasiin in ay sii hayaan labada xil ilaa 29 October ee sanadkan aynu ku jirno taas oo shay ay cod aqlabiyad ah ay ku meel mariyeen goaankaas hadan gudomiyaha xibiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta bbc da siiyey waraysi uu kaga hadlaayey mawqifkiisa siyaasadeed ee u waajahan arintaa ay guurtidu gadhay waxaanu yidhi sida tan

“horta marka ugu horaysa anagu ka xisbi ahaan waxaad ogaataa in aad qadarin iyo sharaf u hayno golaha guurtida taariikh fiicana ay Somaliland ku leedahay hase ahatee barigi dambe waxaad moodaa in guurtida la siyaasadeeyey oo had iyo gooraale dadntii qaranka ay ka horaysiiyan danaha siyaasada iyo aragtidooda siyaasideed sidaa awgeed doodii shalay dhacday ee guaanku ka soo baxay kumay salaynsnayn labada guruub ee is hayaye ku maysalaynayn danta guud iyo rabitaanka shacbiga Somaliland iyo baahida ay Somaliland u qabto in la ina Ictiraafo ee ay hore u socoto ee waxay ku qotontay laba group oo midna doonayo in dawladan waqtigedii ku eegyahay April 6 deeda ay mudada u kordhiyaan qolona ay doonayso in ay xukunka qaadato markaa waxaan odhan karnaa waxa uu ahaa power straggle ee dan shacbi iyo Somaliland midana shalay lagama hadal .

Markaa waxaanu u aragnaa in ay ka leexdeen dantii qaranka aanay ku fadhiyin waxaanaanu soo jeedinaynaa in lagu soo noqdo dantii qaranka la iskana dhaafo danaha gaarka ah iyo isu muuqashada ay dadku isu muuqdaan, markaa anagu sidaanu hore u sheeganayw axaanu aamin sanahay hadaanu nahay xisbiga Ucid in doorashadu ay qabsoomi karayso 31 sida ku cad commission ka qorshihihii ay soo sameeyeen isla markana Inter peace iyo deeq bixiyayasha ina cawiyaana ay indoze gareeyeen , waxaanaanu u aragnaa in aanay guurtida u lahayn awood ay ku cayimaan waqtiga ay doorashadu dhacayso cida kaliya ee awooda u lihi waxa weeyaan commission ka isaguna wuu cadeeyey goorta ay odhacayso doorashadu , maadaama aanay jirin wax lagu mar marsodaa in lix bilood la kordhiyo waxaan leenahay ha socoto doorashado 31kana way ku qabsomaysaa ee ha ku qabsoonto ayaanu leenahay Si looga baxo wareerkan iyo jaha wareerkan siyaasadeed ee taagan waa in sadexda gudoomiye shir deg deg ah isugu yimaadan”

Gudoomiye Faysal mar la waydiyey in ay guurtidu xal u leedahay in ay kordhiyaan mar haydii duruufo ay soo hordhigtay dawladu sida abaaro jira kulayl badan oo xeebihii ka jira oo aan laga codayn karayn taasna ay qolona u arkaysay in ay tahay wax ay ka qabsoomi karto doorashadu qolona ua rkaysay in aanay ahayn ayaa waxa uu ku jawaabay Eng Faysal

“Waxaa weeyaal hor hadi sharciga lala doon doon dad ama koox waligi sharci noqon maayo mar waxay ku odhanayaan reer guuraagii abaar ayaa na haysa mar waxay ku odhanayaan reer xeeboodkii kulayl ayaa na haaya mar waxay ku odhanayaan roobka ayaa daya oo baabuurtii ayaan soconayn oo galaysa oo nama soo gaadhayaan sanaaduuqdu , sharcigu waa sharci loo siman yahay ee dad lalama doondoonto , ta labaad waxa deeq bixiyayaasha iyo Inter Peace iyo commission kuba ay soo qoreen warqad daraato waxaanay Inter peace ku tidhi sadexdayadaba wax maanta dhulka naga yaalaa ma jiro marka shalayto doodu may ahayn oo may ku salaysnayn doorasho ma la qaban kara iyo ma la qaban karo, 31 ka ma ka gaadhi karnaa mise kama gaadhi karno ee waxay ku salaysnayn power la kala boobayo oo hogaanka la kala boobayo laba groupe na waxa weeye group waxa uu ku socday waxaan sharciba ahayan oo guurtidu waxbay kordhin karta ee waxba ma diidi karto Qodobkay qabsadeen meel ay ku taalo ha laga qaado oo laba gole ha isu yaamaadn oo inqilaab ha lagu sameeyo hanaanka siyasadeed ee dalka ka taagan meel ay ku taalaa ma jirto .Qolada kalena kamay fikrin doorasho ma dhici kartaaye si ay dawladan waqtigeedu dhacaayo ay meesha ugu dheereeyaan iyagoo aan mandate na u haysan ay iyaguna sameyeen”

Gudoomiye Faysal waxa uu sheegay in wixii shalay dhacay aanay ka Ucid ahaan in aanay ka tarjumayn dantii umada ayaanu u aragnaa moo waliba niyad jabna ay ku ridayso shacbiga Somaliland iyo aduunkii iyo bulshadii caalmka eee jeclayn in Somaliland hore u socoto waanuu yidhi tanina dan uma aha reer Somaliland waxaanu yidhi waa in ay doorashadu dhacdaa 31 bishan oo wax naga joojinayaa haba yaraatee ma jirto aan aanu anagu aragnaa taas oo ay cid waliba leedahay way ku dhici kartaa doorasho waqtigan aa aan kor ku soo sheegay ilaa hayadihii ku shaqada lahaa ilaa deeq bixiyayaashi “Tender kii alaabtii April 2 deeda ayaa la furayaa oo la siinayaa dadkii ,Lacagtii oo 3 milyan oo doller ahna way hayaan deeq bixiyayaashii , shaqaalihii waa la naadinayaa wax mar marsiiyo ah oo yaalaa ma jirto waxaanaan leenahay ha la isku soo noqdo tan oo kale reer Somaliland hore ayey inoo soo martay miyirkeeda ha la yeesho”
Waxaanuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey in miyir qab wax lagu dhameeyo iyo is hor fadhiisi

Warqabdka togaherer
Magalo madaxda Somaliland ee Toggaherer

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: