Toggaherer’s Weblog

MADAXWEYNAHA DAWLADA SOMALIA SHEEKH SHIRIIF OO MAANTA SHIR JARAAID KU QABTAY MUQDISHO

Posted on: March 29, 2009

MADAXWEYNAHA DAWLADA SOMALIA SHEEKH SHIRIIF OO MAANTA SHIR JARAAID KU QABTAY MUQDISHO

Moqdisho 28 March 2009 (THN)
Shir jaraid oo uu qabtay Madaxweynaha Soomaaliya Sh Shariif Sh axmed ayaa waxaa uu kaga warbixiyay safarkii uu ku soo maray ilaa iyo ku dhowad 6Dowladood oo ku yaala Qaarada Africa, Waxuuna madaxwenuhu sheegay in uu kala hadlay xiriirka Dowladahaasi iyo Dowlada uu isagu madaxweynuhu ka yahay .

Madaxweynaha yaa intaasi raaciyay in dhamaan Arimihii oo uu dalalkaasi kala soohadlay ay noqdeen kuwo lagu guuleystay .
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in kulan uu maanta la qaatay Golaha Wasiirada Dowlada Soomaaliya ay isla soo qadeen Waxyaabo farabadan oo ay ka mid aheyd safarkiisii iyo Intii uu dalka ka maqnaa waxyaabihii ay ku dhaqaaqeen, waxuuna madaxweynuhu amaanay Waxyaabihii ay qabteen intii uu dibada ku maqnaa .

Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay Hadalo ay Warbaahintu intooda badan ay isticmaalaan taasi oo u ku tilmaamay in Markii ay ciidamo ka tirsan dowlada oo Dharcad ah ay qabsadaan ama La wareegaan Amaanka Goob ay yiraahdaan Waxa goobahaasi la wareegay Ciidamada Maxkamadaha, asagoo saxaafada kula dardaarmay in ay yihiin Ciidamadu laba qeybood oo kala ah kuwo sita Dress koodii oo ahaa kuwii Shaqeynayay Xiligii Dowladii hore ee Soomaaliya iyo kuwo aan wadan wax dress ah oo ka mid aha midowgii Maxkamadaha ISlaamka ee uu asagu hogaaminayay , waxuuna xusay in lagu guda jiro Howsha lagu medeynayo Dreska ciidamada .

Sidookale waxaa uu Gaashaanka u daruuray Ereybixinta ay saxaafadu adeegsato ee ah ‘Dowlada Midnimada Qaran’ taasi oo uu sheegay in aan loo baahneyn dowladuna ay tahay mid Fedral ah lana doonayo in layiraahdo ‘Dowlada Fedralka ee Soomaaliya’.

Ugu dambeyntii shirka Jaraaid ee uu qabtay Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili Maalin ka hor un qarax lagula eegtay Bartamaha Muqdisho wasiirkisa Arimaha Gudaha ee Dowlada, asagoo sheegay in uu si aad ah uga xunyahay .

Axmed Kulan (Jookar)
WAQABADKA TOGA HERER
MOQDISHO

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: