Toggaherer’s Weblog

WARBIXIN KA HADLAYSA DOORKA DHALINYARADA GABOOYE IYO JAAMACAD HARGEYSA

Posted on: March 28, 2009

WARBIXIN KA HADLAYSA DOORKA DHALINYARADA GABOOYE IYO JAAMACAD HARGEYSA

Warbixin ka hadlaysa Doorka Dhilinyarada Gabooye iyo Jaamacada Hargaysa

Waxaa inta badan laga warqabaa in Beelaha Gabooye ee dagan dalka gudiisa loo nisbeeyo Aqoon la,aan laguna arkin Mashraxyada Siyaadasada iyo goobaha Aqoontu biyo dhigtay sida Jaamacadaha Dugsiyada sare hoose dhaxe iyo waliba Mahaa, sida haddaba waxaa warbixintan idoo soo diyariyey wareysina la yeeshey ardeyda beesha gabooye ee dhigta jaamacad ahargeys ardey ka mida oo dhigta jaamacada hargeysa magaciisana la yirahdo ,,Barkhad Jaamac Xirsi ,dhigtana culunta sharciyada ,

barkhad waa ardey jecel in dhaliinta beesha gabooye kaaliin ka qaataan xaga wax barashada ,waana dhaliinyarada beesha gabooye dhaliinta ugu firfiircoon kana shaqeeya siddii horumariin loogu sameeyn lahaa aqoonta waxbarasho dhaliinta beesha iyo danyarta iyo agoonta beesha ,waxanu ku bilaabey wareysigiisii ,

Waxa ay aheyd goor galab ah oo jawigu aad iyo aad u qurux badan yahay cirku waxaa uu lahaa daruur badan dhirtu waxa ay aheyd mid aad u cagaar ah dhulkuna waxaa uu ahaa mid madow waxaa socotey neecow qaboob waxaana tiixayey roob dhibco yar yar jawiga Jaamacaduna waa daganaa. hadaba waxaanu ugu horeynba kula kulanay jaamacada gudaheeda
Mr: Abdi Ahme Max,ud oo wax kabarta kuuliyada ganacsiga kana mid ah ardeyda gabooye ee sanadkan ka qalanjabineysa jaamacada, Su: waxaanu ugu horenba weydiiney inta ay tahay tirada ardeyda gabooye ee wax ka barata Jaamacada?
ja:- waxaa ay tahay 15 Ardey waxaanay wallaal kala dhigtaan Kuuliyadaha Shariciga, Ganacasiga, Maamulka, Caafimaadka, Dhaqaalaha,

Su: Maxaa kugu dhiiri galiyey inaad timaado Jaamacada oo aad kuuliyadan gasho?

ja:– horta marka hore malihi waalid igu dhiiri galiyey inaan imaado jaamacada laakiin waxaa i keenay wuxuu ahaa markii aan arkey Dunidu xaga ay marayso iyo baraarug la,aanta dadkeena dalka jooga haysata, takale dhiiranaanta iyo geesinimadu waa mid isga beeran qof kasta oo Midgaan ah

Su: Ayaa idinka bixiya Jaamacada maadaama oo dadkeenu u badan yahay dad danyar ah Semesterka Jaamacaduna yahay $120?

ja:– Waxaa wallaal naga bixiya Haayado iyo Jaamacada laftirkeeda oo qeyb ka bixisa

Su: Maxaad odhan laheyd dadkiina Gabooye ee ku sugan Daafaha Caalamka

ja:- Waxaan odhaan lahaa marka hore Hambalyo maadaama oo lahelay Aqoon yahano gabooye ah marka xigtana Barnaamijkan liita ee lagula dhaqmo dadkeenu kuna saleysan Caadifada Qabiil waa iska soo af gu,i doona waxaanu ku soo Afjarmayaa diinta Alle oo ayu wada qaadano iyo aqoon aynu barano

SU:- Intaas ka dib waxaa iyana noo suura gashay inaan wax ka weydiino Gudoomiyaha Jaamacada Mudane: Cabdi Haybe hanaanka waxbarsaho ee dhalinyarada Gabooye

ja:- Horta marka hore waxaan sallaamayaa Shabakada Wararka ee dulmane Marka xigta aad iyo aad ayey u fiican tahay xaalada waxbarasho ee dhalinyaradu, waayo waxaa inta badan gacanta ku haya farsamada Somaliyeed waa dadkan haday ku darsadaan Aqoon Jaamacadeedna waxaa marag madoon ah iney u fududaato gacankudhigida talada dalka waayo waxaa wax lagu gumeystaa waa Aqoon iyo Xirfad labadiina waa ay heleen maanta.

Saynab Cali Faahiye waa ardayad dhigata Caafimaadka waxaanan ku jirtaa sanadkii 5aad.
SU:- waxaan iyana weydiiyey Sababaha ku kalifay iney gasho kuuliyadan Caafimaadka?

ja:– waxaa wallaal igu kalifay inaan galo waxaa weeye kadib markii aan arkey dhakhtarad la,aanta haysata dadkeena iyo xanuunada ku habsada ee intooda badan sababo wax la,aanta hadhaysay ayaa waxaan go,aansaday inaan barto dhaqtarnimada kuna badbaadiyo Guud ahaanba dadka tabaaleysan ee wax wax mahaysatada ah Gaar ahaana dadkeena waxaanan rabaa in la idhaahdo waxaa xariifad ku ah Qalniinka Dhakhtaradii Midgaanta aheydee inoo geeya. SU:-Muxuyadiin Abdi Max,ed isna waa ardey dhigta kuuliyada Sharciga waxaanan isna waydiiyey sababta ku kalifay inuu galo Sharciga?
ja:– waxaa igu kalifay kadib markii aan arkey dadkeena oo ka cabanaya goobaha Cadaalada sida Maxakamadaha kana tirsanaya Cadaalad daro badan ayaan go,aansaday inaan barto Sharciga kuna difaaco dadkeena maadaama oo aaney laheynba Lawyer u dooda

SU:-Khadra Ismaaciil Faarax waa ardayad iyana dhigata kuuliyada dhaqaalaha. waxaan iyana su,aalay waxaa ku kalifay iney gasho Kuuliyadan?

ja:– waxaa walaal igu kalifay maadaama oo ay dadkeenu yihiin (the most productive people) dadka uugu wax soosaarka badan dalka kuna shaqeysta xirfado kala duwan oo qaali ah inaan u sameeyo Qorshe uu ku badbaado dhaqaalahoodu kadibana ay noqdaan dad maalqabeeno ah, waxaanan qabaa haddii ay Gabooye helaan dhaqaale iyo Aqoon iney in badan fududaaneyso soo afgo,a barnaamika yaree gaaban ee la idhaahdo Quudhsiga waxaana la arkaa in Gabooye lagaga waabto awood Dhaqaale iyo mid Aqooneedba sanadada soo socda.

hadaba anigoo ah,, mr gaboye ,,ayaa waxaa ii suura gashey inaan ardeygaas barkhad jaamac wareysi kala yeesho heerka waxbarasho ee beesha gabooye ,waxaanan weydiiyey su aalo ay ka mid yihiin ,

s: walal imisa ardey ayaad ku dhigataaan jaamacada hareysa ?

– Hide quoted text –

Wallaal Jaamacada Hargeysa waxaanu ku dhiganaa Ardey Tiradoodu gaadheyso wakhti xaadirkan 17 Ardey waxaanan kala dhiganaa Qeybaheeda kala duwan Sida Faculty Of Business and Adminstration, Faculty of Medicine, Faculty Of Law,

waxaanan kala nahey ,,14,wiilall iyo sadex hablood ,

s-: walal yaa idiinka bixiya lacagta ama idiinka cawiya qarashka jaamacad ?

ja: walal waxaa naga bixiya oo naga caawiyey qarashka jaamacada , ardeyda qaar kamida,hayada ,UNDP,oo iyadu qaabilsan ,fucalty of law, jaamacada hargeysa oo iyaduna qeybteeda ka qaadatey kana bixisa oo ka faalad qaadatey laba ardey oo naga mida iney ka bixiyaan qarashka , dowlada hoose ee magalada hargeysa oo iyana dhowr ardeyda ka mida ka bixiya qarashka jaamacada ,

barkhad oo hadalkiisa siiwata ayaa wuxuu yiri walal ,sanadkan waxaa qaliin jabinaya laba ardey oo naga mida ,waxaa kaloo jirey wiil ardey naga horeeyey oo isaguna qaliin jabiyey jaamacada ,kuta takhasuusey culuunta sharciyada ,

s: su aashii ugu danbeysey ee aan weydiiyey ardeygaa barkhad ,waxey aheyd ,ma jiraan wax dhibaata oo idiinla soo darsay intii aad hada kujirtaan waxbarashada jamacada ,madama ay dadkeenu had jeer tirsadaan ,meel ka dhacyo deelqaafa ama heyb-sooc leyduun yara saarayo ,?

jaw: maya walal wax dhibaata oo nalagu haya ma jirto cid wax noo sheegata ama na aflagaadeysana ma jirto ,ardeyda walaaladayo ee aanu wada dhigano jaamada hargeysa maamulka macalimiintuba waxaey noola dhaqmaan si bini aadanimo oo ixtaraam qadariin xushmadba ku dheehantahey ,

sa: maxaad ugu baaqeysaa dhaliinta kale ee beeesha gabooye ama guud ahaanba ?

jaw: walal waxaan ugu baaqayaa ineynu ku dadaalno siddii aynu uga muuqanlahey xarumaha waxbarasho iyo golaha siyasadaba , kuna dadalno sidii aynu wax u wada baran laheyn ,ubadkeenana aynu wax uwada barii laheyn , aqoonbana maanta lagaga bixi kara wacyiga waayaha hadheeyyedhaqaale iyo aqoon darii ,ee dib ula hadhey beesha gabooye , markaa waxaan leehayhey aqoonta aynu xooga sarno ,

waxaan kaloon kuu sheegaya walal dhibaatooyinka gaar ahan anaga ardeydayada nagu wada habsadey walal , agabkii waxbarasho ,sida , loptobyada cumbiturka oo anan heysanin ardeydayada ,waxaanu wax ku diyarsano casharada ma heysao ,oo hadaba labada ardey ee hada sanadkan qaliin jabinaya waxey dhibaato ka heysata siddii ay u diyariin lahayeen buugii jamacada ee qaliin jabiinta , markaa waxaanu codsaneyna walaalahayaga cidii naga caawiin karta agabyada waxbarasho inanu uga baahannahey ,,

,

CODSI BINI AADANIMO ,

Hadaba walalahayaga waxaan ka codsanaya anigoo ah ,Mr Gaboye ,waxaan ka codsanaya walalahayaga reer Somaliland ee jecel horumariinta ardeyda kuna farxaaya aqoonta ay manta ardeydaasi dadaalka kartida ay la yimaadeen inaad igala caawisaan walalayal agabyadas waxbarasho sida ,,laptobyada ,waana walalayal sadaqad idiin anfici doonta ,if aakhiraba ,ciddii walal wax u helei karta gargaarkaas walaltinimo ee ardeydas aynu kaga cawineyno ,agabyada waxbarsho walal igala soo xiriira emaildeyda hoos ku qoraan ,

wabilaahii toowfiq,,

waxaa idiin soo diyaariyey

Qore Barkhad Xaaji Cabdi ,Mr Gaboye,,

ontario canada ,
email:abokoriye1@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: