Toggaherer’s Weblog

WAR DEG DEG AH:IMISAA RIYAALE LOO KORDHIYEY IMISAASE DIB LOO DHIGAY DOORASHADII FADHIGII GUURTIDA

Posted on: March 28, 2009

WAR DEG DEG AH:IMISAA RIYAALE LOO KORDHIYEY IMISAASE DIB LOO DHIGAY DOORASHADII FADHIGII GUURTIDA

Hargeysa 28 Mar 2009 THN

Fadhi aan caadi ahayn oo golaha Guurtidu isugu yimi maanta gudoomiyayna Gudoomiye Mudane Saleebaan Maxamud Adem ( Saleebaan Gaal ) Fadhiga Golaha Guurtida oo ay fadhiyeen 79 Mudane ,ayaa Maanta Cod ku meel mariyay in ay qabsoonto Doorashada Somaliland 29 September 2009 .
Gudoomiyaha ayaa soo jeediyay in Mudanyaashu dood ka galaan Warqadii uu soo Gudbiyay M/weynuhu iyo Lifaaqii Komishanka Taas oo mudanyaal soo jeediyeen in 29 September 2009 ay qabsoonto doorashadu mudada xilka dawladuna ay noqto 29 October 2009 halka soo jeedinta kalena sheegaysay in aan waxba la kordhin ee ay baneeyaan M/weynaha iyo ku xigeenku oo ay isaga yimaadaan arintan labada Gole, ka dib gudoomiyaha ayaa soo jeediyay in cod loo qaado cida diidan In mudada la kordhiyo iyo cida ogol , waxaana u codeeyey 42 Mudane Soo jeedintaa waxaana diiday 35 Mudane waxaana ka aamusay 1 Mudane Gudoomiyuuna muu codeyn, Muddo Kordhintan loo kordhiyay Riyaale iyo Axmed Yusuf ayaa noqnaysa muddo Lix bilood ah iyada oo ka bilaabmaysa 06 May kuna eeg 29 October

Go’aankan Guurtida ayaa soo afjarya Muran waaydan ba taagna oo ku saabsanaa Sharciyada Dawlada waxa ka danbeeya 6 April cida dalka sii maamulaysa doorashana gaadhsiinaysa sidoo kale go’aanka guurtida ayaa ka hor imanaya Go’aankii ay hore u soo jeediyeen Komishanku ee ahaa in doorashadu qabsoonto 31 May lana sheegay in uu M/weynuhu Saxeexay.

Isku soo wada Duubo Go’aanka ayaa ah mid ka farxiyay Taageryaasha Xisbiga Talada Haya ee UDUB halka Xibiyada kalena ay ku tahay U qaadan waa eegi doonaa waxa iyo jawaabta ay ka bixiyaan Xisbiyada mUcaariodka ahi.

Warka Fadhigan isaga oo faahfaahsan naga dhawra wakhti dhaw.

Xafiiska warqabadka ToggaHerer
Hargeysa
Maxamed Muse

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: